Soomaali haysta dhalashada dalka Sweden oo Somaliland dib loogu soo Celinayo iyo Asbaabaha Keenay
Stockholm, 05 March, 2015 (SDN/QJ)- Dalka Sweden ayaa la sheegay inuu ku soo celin doono Somaliland nin soomaali ah oo haysta dhalashadooda, ka dib markii lagu ogaaday nidaam cusub oo hay’adda socdaalka dalkaa isticmaalkiisa bilowday inuu ka beensheegay macluumaadkii uu bixiyey markuu magacgelyo-doonka weydiisanayey dalka.
Sida lagu baahiyey wargeyska Aftonbladet ee ka soo baxa Sweden shalay, hay’adda socdaalka Sweden ayaa sheegtay inay Somaliland dib ugu soo celinayaan nin magaciisa lagu soo koobay Maxamed oo 27 jir ah, ka dib markii la ogaaday khaladaad ku jira macuulaad uu hore u bixiyey.
Hay’adda socdaalka Sweden ayaa sheegtay in nidaam cusub oo lagu baadhayo dhinaca lahjadaha iyo xogaha ay bixiyaan dadka magangelyo doonka ah bishii November ku ogaadeen khladadaad badan oo ku jira macluumaadkaa.
Hay’adda socdaalka ayaa sheegtay in Maxamed oo haysta dhalashada Sweden u sheegay inay todoba degmo leedahay deegaanka uu ka yimi, balse baadhitaan la sameeyey lagu ogaaday in deegaanka uu sheegtay inuu ka yimi ka kooban yahay tuulo.
Wargeyska ayaa shaaciyey in hay’adda socdaalku go’aan ku gaadhay in Maxamed loo soo mustaafuriyo Somaliland, halkii lagu celin lahaa deegaanka Af-gooye ee Soomaaliya oo hore u sheegtay inuu ka yimi.
Warbixinta hay’adda socdaalka Sweden ayaa lagu sheegay inuu ka beensheegay macluumaadka waxbarasho oo ku sheegay Maxamed inuu turjubaan uga shaqeyn jiray Sweden sannadkii 1990, balse sannadkaa uu yimi Sweden.
Sidoo kale, wakhtigii uu sheegay inuu dhamaystay Waxbarashada dugisiga Sare magaalada Muqdisho, ayaa la ogaaday inuu ka been-sheegay, iyada oo taariikhda saxda ah ee la soo ogaaday lagu seegay 1987-kii inay ahayd.
Warkan lagu sheegay in hay’adda socdaalka dalka Sweden u mustaafurinayso Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, ayaan lagu sheegin jiritaanka heshiis u dhexeeya Somaliland oo ku saabsan soo celinta dadka.