Mas’uul Turkiga u Shaqaynayay oo la dhashay Madaxweynihii Hore ee Somalia Sh.Shariif oo la Dhaawacay
Muqdisho 06.March 2015 (SDN/QJ) Dabley hubAysan ayaa ku weerarey meel u dhow gurigiisa oo ku yaal xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.
Nin ay walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.
Ninka oo lagu magacaabo CabdIllaahi Sheekh Axmad kuna magac dheer (Ubba) wuxuu la shaqaynayay hay’adaha samafalka ee Turkiga isagoo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.
Qaar kamid ah eheladiisa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, xiliganna lagu dabiibayo mid kamid ah Cusbitaallada Turkiga.
Arrintan ayaa kusoo aadaysa labo asbuuc kadib markii Shariif Sheekh Axmed oo BBC-da la hadley sheegay in Al-shabaab kordhin doonto weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah maadaama awoodeedii la wiiqey, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Cabdullaahi Sheekh Axmad (Ubba) ayaa muddadii uu walaalkiis dalka Madaxweynaha ka ahaa wuxuu ku noolaa wadanka Koonfur Afrika.