Maraykanka Oo Qabtay Nin Doonayey Inuu Diyaarad La Raaco Lacag Dhan $ 500,000 oo dollar
Ney York:Mar,05,2015(SDN/QJ)-Cabdulkariim Al-tareb oo ah Muwaadin u dhashay dalka Yemen, ayaa lagu qabtay Garoonka JFK ee magaalada New York, kadib markii la arkay isagoo wata wata lacag dhan 5-boqol oo kun oo doolar oo kaash ah, taas oo uu doonayey inuu diyaarad la raaco.
Sida uu sheegay wargeyska The telegraph ninkan ayaa lacagta intaas dhan ku dhex qariyey boorsadiisi dharka.Waaxda kastamka ee garoonka ayaa ninkii qabtay kadibna booliska ugudbiyey.
Ninkan ayaa markii la weydiiyey sheegay inuu ka dhashay qoys balaadhan walaalo badana leeyahay sidaas darteedna ay lacagtan isugu jirto wax isagu leeyahay iyo qeyb reerkoodu leeyahay,wuxuuna intaas ku daray inuu rabay inuu guri kasoo dhisto dalka Yemen.
Booliska ayaa baadhitaan kadib meesha ka saaray in lacagtan ay tahay mid loo waday kooxaha Mareykanku ku sheego argagixisada,Ninkan ayaa la sheegay in lagu maxkamadeyn doonaa qarsoodi ku dhoofinta lacag kaash ah oo badan.
Inta badan garoomada caalamka oo idil waxay ka siman yihiin in aan la ogoleyn dhoofinta lacag waxana jira cadad kooban oo loo ogol yahay qof ka socdaalaya in uu hore usii qaato.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com