|

Sarkaal Katirsanaa Bahda Waxbarashada Oo Xilkii Iska Casilay Iyo Sababaha uu Cuskaday

Balligubadle:Mar,05,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka nasoo gaadhayaa waxa xilkii uu Wasaaradda Waxbarashada uu ka hayey iska casilay Guddoomiyihii Gobolka Hawd Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan, kadib muran dhex maray isaga iyo Wasiirka Waxbarashada Marwo Zamzam Cabdi Aadan.

muloGuddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Hawd oo hore u ahan jirey Maamulihii Dugsiga Sare ee Quulle Aadan, ayaa la sheegayaa inay Wasiirka Waxbarashada isku jiidheen Arimo Maamul, kuwaas oo salka ku Haya Cabashooyin uu ka gudbiyey Duruufta Waxbarasho ee Gobolkaas.

Inkastoo aanay jirin waraaq rasmi ah oo uu Guddoomiyahaasi Warbaahinta gaadhsiiyey, haddana sida qaar kamid ah Asxaabtiisu xaqiijiyeen waxa uu Wasiirka u gudbiyey istiqaaladiisa, waxana uu ku wargeliyey in booskiisa la geeyo Shakhsi kale oo hawshaas sii wada.

Waxyaabaha uu Guddoomiyahaasi ka cawday ayaa waxa kamid ah isagoo diiday inuu hoos tago Guddoomiyaha Waxbarashada ee Galbeedka Gobolka M/Jeex oo ay hoos tagaan Degmooyin Balli-gubadle kamid tahay, waxana ay Wasiirku sheegtay inaan arrintaas waxba laga beddeli Karin, taas oo keentay inuu doorto inuu meesha ka tago.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed