|

Magacyada Saraakiil Lagu Eedeeyey Qaraxyo Muqdisho Dhawaan Ka Dhacay Oo Xabsiyada Lagu Guray

Muqdisho:March,05,2015(SDN/QJ)-Warar cusub ayaa kasoo kordhaya saraakiisha dhinaca ammaanka ahayd oo lagu xidhiidhiyey qaraxyo dhawaanahan ka dhacayey magaalada Muqdisho, kuwaas oo xabsiga lagu guray.

xabaaSaraakiishan ayaa tiradooda lagu sheegay inay toban ka badan yihiin, waxana ay ka kala tirsan yihiin Hay’adaha Booliska iyo Nabad-sugidda, waxana lagu soo qabtay tuhunno la xidhiidha doorkii ay ku lahaayeen Qarax dhawaan ka Dhacay Hutel SYL.

Ilo muhiim ah, ayaa sheegay in xilligii weerarkaasi uu dhacaayay ay Saraakiishaasi ku qorneyd shaqada, xilli laba cisho ka dib weerarkaasi uu Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Saraakiisha xabsiga loo taxaabay, ayaa sideed xubnood waxay ka tirsan yihiin Saraakiisha Booliska, iyadoo saddex kalana ay ka tirsan yihiin Hay’adda Nabad Suggida.

Saraakiisha la xidhay, ayaa waxaa laga tilmaami karaa Korneyl Maxamed Warsame, oo ahaa Taliyihii qaybta Weliyow Cadde. Korneyl Maxamed Shiine, Taliyihii qaybta Bariga Muqdisho. Korneyl Maxamed Daahir Cabdulle, Taliyihii hore ee Saldhiga Booliska Degmada Hodan iyo Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida Degmada Wardhiigley.

Ilo madax banaan, ayaa sheegaya in General Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale), Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir uu ka mid yahay Saraakiisha lagu xidhay Magaalada Muqdisho.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed