Nabad-sugidda Somalia Oo Soo Bandhigtay Bajaaj Waxyaabaha Qarxa Lagu Soo Xidhay Oo ay Soo Qabteen
Muqdisho:March,05,2015(SDN/QJ)-Ciidanka Nabadsugidda somalia, ayaa shalay galabtii muqdisho kusoo bandhigay Midka mid Gaadiidka yar yare e Bajaajta loo yaqaanno, taas oo walxaha qarxa lagu soo xidhay, waxana la qabtay mootadii iyo raggii la socdayba.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliya Qaasim Axmed Rooble, oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in mooto bajaajka la soo qabtay, xilli ay dhex mareysay Degmada Hodan.
Afhayeenka, ayaa intaa ku daray in Ciidanka Booliska ka shakiyeen mootadaasi, isla-markaana ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan mootada iyo dhowr nin ah oo la socday, sida uu sheegay.
Gudoomiyaha Degmada Hodan C/qaadir Cali Kullane, ayaa Booliska ku ammaanay tallaabada ay kaga hortaggeen mootada bajaajka, oo uu sheegay in loo adeegsan rabay amni darada Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha, ayaa xusay in mooto bajaajka ay la wareegtay Hay’adda Dembi Baadhista CID, si baadhitaano dheeraad ah loogu soo sameeyo, haddii dad ku sugan Magaalada Muqdisho, ay ku soo xidheen.
Sabtidii, ayay ahayd markii gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu fashiliyay Degmada Hodan, si aan loogu adeegsan xasiloonida Caasimadda.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com