“Naftaydu waxay ileedahay waxan diyaar u ahay in doorashadii la qabto Haddii la qaban waayana Golaha …….”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro
Hargeysa:Mar,04,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa Maanta ka Hadlay Aragtidiisa ku aaddan dhamaadka Mudo-xileedka Golaha Wakiillada ee uu xubinta ka yahay.
Mudane Cirro oo maanta ka Hadlay Munaasibad lagu alkumay Isbaysi cusub oo mucaarid ah, ayaa shacabka dareensiiyey Su’aalo hoose oo naftiisa ka weydiinayso Mudo-dhaafka Kursiga Wakiillada ee uu kusoo fadhiyey muddada Tobanka sano ah.
Guddoomiye Cirro oo sharraxay Jawaabaha uu u hayo Kursiga uu fadhiyo iyo Mudda-dhaafka Markii labaad kusoo wajahan, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka kaco, waxana uu soo jeediyey Hadii doorashada Wakiiladu dhici weydo in la kala diro Golaha uu xubinta ka Yahay,
“Naftayda waxan leeyahay waxa laguu doortay Mudane katirsan Golaha Wakiillada September 2005-tii muddo xileedkiina waxa uu kaa dhamaaday 26-kii September 2010-kii, Waxana ay Naftaydii iigu jawaabtay inay arrintaas u diyaaar tahay oo aanay rabin muddo-korodhsi dambe, naftaydu waxay ileedahay muddadii kale ee laguu kordhiyey shanta dambe ahayd, waxay kaaga egtahay 26-ka June, Naftaydu waxay ileedahay waxan diyaar u ahay in doorashadii la qabto Haddii la qaban waayana Golaha la kala diro.”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Guddoomiye Cirro, ayaa muddooyinka ugu dambeeyey ku dedaalayey soo jeedimo la xidhiidha in xukuumadda iyo Golaha uu Guddoomiyaha u yahay oo muddo-xileedkooda iskumar dhammaanayaan la kala diro haddii Doorasho dhici weydo, balse wali taas cidi kuma raacsan.
SDN/QJ