Weerarkii Tiyaatarka Waxanu u Haysannaa Mudane Siilaanyo, Waran Cadde iyo Jeeni-Yare!!!
Inta aanan u Gondo Degin Nuxurka iyo Ujeedayda Maqaalkayga Maanta oo aan , Ku Qaadaa-Dhigin Doono, Weerarkii lagu soo Qaaday Dhulkii iyo Dhismihii uu laha Ganacsade Cumar Caydiid. Shir Jaraa’id oo Galabta 03/03/2015 ay Qabteen Salaadiin, Cuqaal iyo Waxgarad ka Soo Jeeda Beesha Bariga Hargeysa, Kana Hadlay Weerarka Ka Dhacay Tiyaatarka Hargeysa,Shalay 02/o3/2015 ayaan Si Kooban Waxaa uga Iftiimin doona.
Jiif Caaqil Cabdi Guuled oo Ka Mid ahaa Cuqaashi Shirka Jaraa’id Ka Hadashay, Waxa Hadalkiisa Ka Mid ahaa ,, Waxanu Halkan Ku Cadeyneynaa Dhibtii Shalay Ka Dhaxcday Tiyaatarka in aan loo Sineyn, Waxa Waday Dawladda Somaliland iyo Xukuumadda Siilaanyo. Wuxu intaa Ku Daray Jiif Caaqil Cabdi Guuled ,, Waxan leenahay Hadaanu Nahay Madaxdii Dhaqanka, Waxanu Ka Soo Horjeednaa Colaadaas laga Abuuraayo Dadkaa Walaalaha ah Dhexdooda!!!. Waxana Dhibtaas Abuuraysa Xukuumadda Somaliland, Sii ay Ugu Hesho Muddo Kordhin!!!.
Marag & Bogaadin Gaar ah:
Marka Hore Waa ii Marag Islaam Waana ii Gudoon!!! Marka Xiga Waxan Halkan Uga Mahad Celinayaa Salaadiinta, Cuqaasha iyo Waxgaradka Beesha Bariga Hargeysa, Xogta Dhulkanna Haysay, Xaqna Illaahay Garadsiiyay Al Xaq!!
Illaahayna Ha Idinka Jasaa’id siiyo, Colaad Iyo Fidno la Holcinaayey ayaad Damiseen!!! Ta Kale Weerarkii & Duulaankii Tiyaatarka ee Weerarka la nagu Soo Qaaday, Beel iyo Qabiil Midna uma Haysano!!! Cidagale Waa Reer Fac Weyn oo Beelaha Somaliland iyo Somaliba Dhaqan Wadaag ah, Dhul, Daaq Wadaag iyo Xeer Wadaag la leh, Odhan Maayo Beel ayaa na soo weerartay oo Dhulkayagii iyo Mulkigayagii ayaa lanagu Haysataa. Wixii Shalay ka Dhacay Tiyaatarka Waxanu u Haysanaa:
1 ) Xukuumadda Mud. Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo
2 ) Cali Maxamed Waran Cadde Wasiirka Arrimaha Gudaha
3 ) Maxamed Maxamuud Jeeni Yare Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex
Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xukuumadiisa:
Magaca Qaranka S/lanad, Magaca Madaxnimo ee Dalkayga ayaan Kugu Salaamay.
¤ Sacaadata-Ra’iis Dardaarankii Taariikhiga ahaa ee Madaxweynihii Hore Mud. Dahir Rayaale Kahin Ayaan Ka Muwaadin Dalkiisa lexejecleysaanya, Iyada oo Magac iyo Mansabtoona kaaga Rabin, Dalkii iyo Dadkii!!! Dad Waa layska Heli, Waa la Iska Tarmi!!! Madaxweyne Waxan Ku Farayaa Dhulka Wax Ka Hanbee!!.
Somaliland Qiimo Badan ayey nagu Joogtaa!!! Term danbe oo 5 Sanno ah Haddii aad sii joogaysid, Somaliland u Burburi Mayso!!!. Waa laguugu Dari
¤ Cali Maxamed Waran Cadde : Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
Sannadkii 2000 iyo Ka hor, Waxa Mar Walba Cali Waran Cadde meel u Taalay in Tayaatarka iyo Aagiisa oo uu Boobo. kolu Habaar Walid Hadh Cad Xabaalaha ku Xareysto ama Shaadh Dawladeed iyo Wasiir Noqdaba!!! Wax Badan oo la Maleegay in Hunguri iyo Dhac lagu Kacay, Ta Maanta Masraxiyadda la soo saaray,
Waa Tan Cali Waran Cdd loo Soo Dhiibay ee Muddo Kordhinta loo Nashqadeeyey!!
Mud. Wasiir Waxan Xasuustaa Berigii adiga oo Dhawr Wasaaradood oo is Xiga uu Illaahay Haw Naxariistee Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal uu Subax Hore Kugu la soo kalahay ,, Duco Qabe, Xilku Waa Meerto iyo Sidad u Qaadan Kari Wayday,,. Imika Mudane Wasiir Siibashaa Xigi!! Beelaha S/land Dhaqan iyo Dhiig ba ka dhaxeeya.
¤ Maxamed Maxamuud Jeeni Yare: Badhsaabka Gobolka Maroodi Jeex.
Mudane Gudoomiye Shirkii Jaraa’id ee Xafiiskaga aad ku Qabatay, Waxa Markiiba iga Baxay oo aan Hadaladaadii Ka Dhadhan saday in uu ahay Warar lagu Soo Faray oo Sal iyo Raad toona lahayn iyo Fidno Afuuf oo Illaahay aynu ka Magan Galnay. Waxa labadii Qodob ba ii Xaqiijiyey sidan u Sheegna soo Xaqiijiyey, Odayaashii Beesha Bariga Hargeysa iyo Qoraaga Garaad Mahad Maxaed Cabdi Qoralkiisa ku Jira Togga Herer News .Com. Mudane Gudoomiye Waxan Kaga Digayaa Midhkan!!
Marka Hore Waxan kugu Ixtiraamayaa Somalilandnimada iyo Dalka inaga Dhaxeeya, Dhaqanka Beeleed ee Qawmiyadda Somaliyeed Isku Karaamayso. Laakin Xilka Mayorship ka iyo Badhasaabnimo Degmo iyo Gobol, Dhalashaa lagu Noqdaa!!! Wareegto Qaldan oo Xukuumaddan, 3dii ka horeeyey aany Suurto gelin ayaa tan ku Magacawday ay ku Talaabsatay oo Dib loo Sixi doono..
Mud.Gudoomiye War Saxaafadeedkaagii Shalay waxa ka Maqnaa ,´Waxa uu Ka Ardnaa Anshaxa iyo Aqoonta Madaxnimo Sida Ereyga aad ku Celcelinaysay ,, Calooshaanu Xabad Kaga Dhufan!!
Gebagebo:
Mansabka Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Waa Mid u Baahan Masuul Khibrad Iyo Aqoon Dheeraad ah iyo Maamul Dawladeed leh. Taasi Awgeed Mud. Maxamed Maxamuud Jeeni-Yare Waxa loo XanbaariyeyXil ka Miisaan Weyn. Waayo Waa Wiil Dhalinyaro ah oo aan lahayn Xatta Aqoon Maamul iyo Mid Bulsho toona.Waxana Qurxoon Inta aanu Bulshada Dab-ka-Dhex Hurinin in Mansab Fudud loo Dhiib.
Su’aal : Kumaa Siyaasi ah ??? Siyaasiga Dhibtiisa Sidee looga Badbaadaa???
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Lidvika Sweden