Safaaradda Soomaaliya ee UAE oo u gurmatay dhaawacii Hotel Central kana warqabta
Abu dhabi March 03 , 2015 – Safaaradda Jamhuuriyadda Fadralka Soomaaliya ee Wadan isutagga Imaaraadka Carabta Waxa ay ugu mahadcelineeysaa Dawladda walaalaha nahay ee Dalka Imaaraadka Carabta gurmadkii Bani adamnimo oo ay u sameeyeen Dadkii ku dhaawacmey Qaraxii ka dhacay Hotel Central ee Magaalada Moqdisho kuwaasoo gaareeyay ilaa iyo 12 qof oo qaar kood xaaladoodii caafimaad aad u liidatey.
Danjiraha u fadhiya Safaaradda Soomaliya ee wadanka isutagga Imaaraadka Carabta Ambassador Cabdulqaadir Sheikhey Mohamed Al-Xaatimi, iyo Danjiraha u fadhiya Soomaliya Dawladda isutaga Imaaraadka Carabta Ambassador Mohamed Al-othmani, iyo masuuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay dhaawacyadaasi Garoonka diraadaha ee Magaaladda abu dhabi halkaasoo ay ka soo dejisey diyaarad khaas ah oo ka soo qaadey Magaalada moqdisho taasoo ay ugu deeqday dawladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaana loo kala qeybiyay dhaawacya daasi isbitaaladda ugu waa weyn ee ku yaala Imaaraada Abu dhabi si loogu daweeyo.
Danjira Cabdulqaadir Sheikhey, ayaa Asagoo ku hadlaayo Magaca Dawladda iyo Shacabka Soomaaliya ugu mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta HH Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, Madaxweyne kuxigeenka, Ra’iisul wasaaraha ahna Xaakimka Dubai HH Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu dhabi ahna Ku-xigeenka Taliyaha sare ee Ciidamada HH Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, iyo shacabka Walaalaha aan nahay ee Imaaraat-ka ,Gargaarka Bani aadanimo oo ay marwalabo la garabtaganyihiin walaalahooda Soomaaliyeed iyo yareynta dhibaatada bani’aadanimo ee shacabka Soomaaliyeed waxaanu u rajeyneynaa Ammaan, deganaansho iyo horumar ma ilaabi doono Garab istaagidiina.
SDN/QJ-Abu Dubai