|

“Mawqifkayaguna waa waa dad jecel wadahadal, waxana aanu doonaynaa inaanu dal gaar ah noqono sidaanu horeba u ahaan jirney.” Wasiir Biixi.

Ankara:March,03,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Markii ugu horraysay ka Hadlay Fashilka ku Yimi Wada-hadalladii Somaliland iyo Somalia oo la doonayey inay Turkiga ka furmaan.

maxamed biixiMudane Biixi Yoonis oo la Hadlay Warbaahinta isagoo Turkiga ku  sugan, ayaa  burburka Shirkaas ku eedeeyey masuuliyiinta kasoo jeeda ee lagu soo daray Guddida wada-hadalllada, waxana uu ku adkaystay in ka hor intii aanay turkiga gaadhin inaanay raggaas horfadhiisan doonin,

“Waxa shirkaas buruburiyey ragga faraha badan ee reer Somaliland ee ay kusoo dareen, waana aanu la hadalnay intaanaan meesha iman, markay halkan yimaadeenne ilaa afartaan nin ka baxaan geli mayno, Turkiguna way nooga garaabeen,” ayuu Yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Mudane Biixi oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Ajandaha Kulankan Burburay uu ahaa in Arrimaha Masiiriga ah lagu dhiirrado, waxana uu Somalia ku eedeeyey inay soo dejiyeen siyaasad shirkaas lagu mijo xaabinayo si aan arrimahaas looga Hadal, waxana uu yidhi,  “maanta ajandahoodu waxa uu ahaa in arrinkaasi burburo, 14-bilood ayaanu sugaynay in lagu dhiirado arrimaha Masiiriga ah, dantuna waxay ku jirtaa inaanu kala tagno oo walaaltinimo ku kala tagno.”

Wasiir Biixi ayaa ka Hadlay Mawqifka Xukuumadda Somaliland, waxana uu hoosta ka xarriiqay rabitaankooda la xidhiidha sidii ay dal madax bannaan usii ahaan lahaayeen,

“ninkaa wasiirka ah ee kula hadlay oo nin asal ahaan reer Somaliland, shirkuna waa Somalia iyo somaliland, mawqifkayaguna waa waa dad jecel wadahadal umana soo socono muqdisho, waxana aanu doonaynaa inaanu dal gaar ah noqono sidaanu horeba u ahaan jirney.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.

Wasiirka Warfaafinta ee Somalia Maxamed Axmed Maareeye oo warbaahinta la Hadlay, ayaa  dhinaciisa Burburbka SHirkaas ku eedeeyey Somaliland, waxana uu sheegay in shardigaasi keenay in halkaas lagu kala carraabo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed