Suldaan Hargaysa lagu Xidhay,Xaaladii Tiyaatarka oo si Kooban loo Xaliyay, Go’aan Madaxtooyada ka soo baxay Iyo Dhaawac Cisbitaalka lagu dabiibayo
Hargaysa 03.March 2015 (SDN/QJ)-Waxaa Xalay la soo af jaray Xaaladdi ka taagnayd Tiyaatarka iyadoo gabi ahaanba malleeshiyadii gudaha Tiyaatarka ku jirtay laga soo saaray isla amrkaana arrinka lagu dhameeyay hanaan nabadgalyo oo ku salaysan wada hadal .
Kulan ka dhacay Hargaysa oo dhex maray Guddi odayaal ah oo ka soo jeeda Beelaha Ciidagale oo uu hogaaminayo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillqaadir iyo Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii loo qaboojin lahaa xaaladda waxaana la isla af gartay in xaaladda si deggen loo dhameeyo .
Waxaana halkaasi lagu soo qabtay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan (Suldaan Habaar) oo xabsiga la dhigay isaga iyo gaadhigiisiiba .
Sidoo kale waxaa uu madaxweynuhu soo saaray go.aan uu ku sheegay in aan dhulkaa wax talaabo ah laga qaadeen illaa inta ammar danbe ka soo baxayo madaxtooyada .
Geesta kale markii ciidamada laga soo saaray Tiyaatarka waxaa Ku jiray laba Nin oo dhaawac ah oo iyana cusbitaalka la geeyay Haatanna xaaladooda caafimaad halkaa lagula tacaalayo walo mid ka mid ahi dhaawaciisu culus yahay halka ka kalena uu dhaawaciisu fududyahay .
Ugu danbeentii xaaladdi ayaa si ku meel gaadh ah loo qaboojiyay iyadoo laga dhur sugayo waxayaabaha ka soo baxaa kulamada danbee ee arrinkan lagaga hadlayo ee la xidhiidha Xaaladda Tiyaatarka oo noqotay Qaddiyad soo noqnoqotaa .
Hargaysa SDN/QJ