Dhacdo Cusub: Booliska Kenya oo Lala Xidhiidhiyay inay Lacago Laaluush ah ka qaataan Alshabaab
Nairobi:March,03,2015(SDN/Q)-Xukuumadda waddanka Kenya, ayaa sheegtay in qaar kamid ah Ciidamadeeda Boolisku Laaluush ka qaataan Xubnaha Al-shabaab ee weerarrada ka fuliya Goobo dalkaas kamid ah.
Xubno Booliska kamid ah ayaa la sheegayaa inay qabteen Baabuur walxaha qarxa lagu rakibay, kaas oo loosoo gudbiyey xuduudda u dhaxaysa Somalia iyo Kenya.
Booliskan oo aan la sheegin magacyadooda iyo tiradooda ayaa la sheegay inay lacag ka qaateen Alshabaab kadibna ay baabuurkii iyo ragga watayba ay soo gudbiyeen ilaa ay ka gaadhsiiyeen magaala xeebeedka Mombasa.
Askartan Booliska ah ayaa si xeeladaysan ugudbiyey baabuurka iyo ragii watay waxayna indhaha,gacmaha iyo lugaha ka xidheen raggi shabaabka ahaa si ay ugu ekaysiiyaan rag maxaabiis ah oo lasoo qabtay loona wado Mombasa sidaas ayayna bar kantarooladii ku dhaafiyeen.
Markii ay gaadheen magaalada Mombasa ayay ragii katiinadihii ka fureen oo iyagii iyo baabuurkoodiiba sii daayeen.
Boolis kale ayaa qabtay baabuurkii iyo raggi saarnaa waxaana laga helay 6 bam gacmeed,qori AK47 ah,270 rasaas ah,5 qasnadood,6 bam oo kiiba 10kg uu yahay,6 qalabka wax qarxiye ah,moobil noociisu Nokia yahay iyo 6 filooyinka korontada ah.Arintan ayaa waxay dhacday Bishii March ee sanadkii la soo dhaafay.
Hase ahaatee Booliska oo baadhitaan waday ayaa hadda caddeeyay daahana ka qaaday arrintaa in ay fududeeyaan qaar ka tirsan laamaha ammaanka dalka.
Ragga la qabtay ayaa wali la baadhayaa lamana soo taagin maxkmad waxaa la sheegay marka uu dhammaado baadhitaankooda in la soo taagi doono maxkamad xukuna lagu ridi doono.
Booliska dalka Kenya ayaa lagu sheegaa in uu yahay dalka labaad ee ugu laalushka iyo Musuq maasuqa badan qaarada Afrika.