Dardaaran Ku Socda Suldaanka Guud ee Somaliland Iyo Iftiimin Sed-Bursimooyinka Xad-Dhaafay ee Dalka Ka Jira!!!
Qaybtii 2 aad ee Maqaalkii Beerta Suldaan Cabdilaahi ee Hargysa:
Waxan Xasuusin laha Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir, Waxan Soo Gaadhay, Yaanan Codba Ku Lahaanine, oo aan Da’ Yaraa!!! Labadii Suldaan ee Walaalaha ahaa, Waa Suldaan Rashid iyo Suldaan Cabdiqadir 1967 – 1975 Beertii Fadhiya oo Go’aan Talada Beesha Suldaanku Go’aamiyo, Kuna Duceya.Waxa Raadka Xasuusta ee Maskaxdayda Ka Sii Qoyan, Beerta Suldaanka oo Arrin Beel iyo Tu Maamulba laga Hago.
Cidhib Barako leh & Go’aan:
1 ). Waxa aan Xasuusin lahaa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir, Marka Hore in uu Ku Ekaado Kaalintiisa Odaynimo, Karamkii Hoggaan Dhaqmeed, Farahana Kala Baxo Siyaasadda Dalka ee uu Sida Guracn ugu Milmay.Suldaan Maxamed, Waxan Ku Farayaa, Waxan Si lexejeclo leh Kaa Codsanayaa in Si Degdeg ah u Iclaamisid Shirweyne Ballaadhan oo Duco iyo Tashi oo Kulansiiys Beel Weynta Daa’ud Garxajis.
2 ). Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir Waxan ka Codsanayaa in Cuqaasha iyo Salaadiinta Beesha uu Mideeyo.
3 ). Waxan Xukumadda uga Digayaa, Waxn Xukuumadda Farayaa, in ay ka Faro Gelin la’aato Shirarka Beeluhu Qabsadaan oo Beelaha, Xukuumadda iyo Dalkaba Dan ugu Jirto. Madaxnimada iyo Dawladnimada Samir iyo Qulqaad baa lagu Kasbaa. Nidaamkeena Dawladnimo ayaa Ku Binaysnaa, Kuna Dhisan Hab Beeleed.
¤ Marsada Berbera:
Bulshada Beesha Reer Saaxil Gadoodka ay ka Muujiyeen Qorshaha Xukuumadda ee Wareejinta Dekedda Berbera waxa ay Ku Quman Yihiin. Hanbalyo Jid Xaq ah ayaa Ku Joogtaan, Sidoo Kale XilKa Saaran Yahay iska Caabinta Xukuumada ee Damacsan Dekedda Berbera Xaraashkeeda. Dhammaan Bulsho Weynta Reer Somaliland, Waayo Waa Arrin Xanbaarsan Cawaaqib Xumo aan laga Soo Waaqsan Doonin, Haddii Marsada Berbera ku Wareegto Gacmo Shisheeye Qalaad. Waa Arrin u Baahan Feejignaan Qoto Dheer/ Taxadir. Wuxu Yidhi ,aniga oo Arkaaya Faraha laygu Iibsaday.
Mar Haddii Wasiiradii/ Jananadii Xukuumaddu u Xuubsiibteen Dilaalin Arxan Daran, Dhaqaale Urursiiyo iwm, Waa lagama Maarmaan in Bulshadu Ku Mitido Halbawlayaasha Dalka ee la Doonaayo in la Dhaxal-Wareejiyo, Difaac Dheeri ahna loo Diyaar Garoobo!!!
.
In Beesa Reer Saaxil Ku Qabto Dhaqaale Marsada Berbera Sed-Bursiimo Dheeraad ahna loo leexiyaa, Waa Arrin aan Qarsoodi ahayn. Waxana Jirta Dhaqaale Toos Beesha loogu Gudbiyo si Sharciga Baal-Marsanna loogu Qaybiyo Ardaayada!!! Laakin Keli Kuma ahaIyaga uun.Dalku Waxa uu leeyahay Dekeddo Kale. Tusaale Kastamka Kalabayhka ayaa ka Mid ah. Shaqaalaha Wasaaradaha Maaliyadda iyo Waxbarashada, Madaarada Dalka ( Hargeysa iyo Berbera), Qandaraasyada la Bixiyo, Deeqaha Waxbarasho Dibadeed iyo Mashaariicda Horumarineed ayaa intuba Dhinacyo si laxaad lehoo Faashil ah Uga Raran Yihiin!!!Sida Awgeed Wax u Gaar ah Reer Berbera ma ha Sed-Bursiimada Xuquuqda Ummadda ee Musuqmaasuqa Xad-Dhaafay Hadheeyey. Waxana Ka Masuul ah Xukuumadda Dalka loo Igmaday, dhamman Dulimaadka iyo Isku Dul Noolaanshaha Xad-Dhaafay ee Dalka ka Jira.
Maxaa Xal ah Waa Inoo Qaybta 3aad
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika Sweden