Madaxweyne-ku-xigeenkii Hore Ee Puntland Iyo Saraakiil Kale Oo Lagu Maxkamadaynayo Deegaanno Ku Yaalla Gudaha Somaliland
Gudur:March,02,2015(SDN/QJ)-Deegaanka Gudur oo qiyaastii 15-km dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Taleex ee Xarunta Gobolka Xaysimo, ayaa waxa shalay ka Bilaabantay Maxkamadaynta Saraakiil uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali shire, kuwaas oo ku eedaysan door ay ku lahaayeen Dilka Dad rayid ahaa.
Maxkamaddan oo ay garsoorayaal ka yihiin lix qof oo laga soo kala xulay qaybaha kala duwan ee culummada ayaa la filayaa inay si degdeg ah usoo saari doonto Go’aan ay ku qancaan Beelo Hayb ahaan kala fogayn oo isku seegan Dagaal ay sanadkii 2013-kii Ciidamo uu hoggaaminayey Cabdisamad Cali ku laayeen Dad shacab ahaa.
Jan. Cabdisamad Cali Shire iyo 22 xubnood oo kale ayaa loo haystaa inay qaab aarsi ah u laayeen dadkii lagu laayay magaalada Taleex xili ay ciidammo ka mid ah kuwa Puntland qabsadeen degmadaas, kana saareen maamulkii ka talinayay ee Khaatumo.
Sheekh Siciid Axmed Cadar oo ka mid ah gudiga hawshan gacanta kusoo hayay muddo ka badan afar bilood ayaa warbaahinta u sheegay in culumada garsoorku ay dhegeysteen qaybo ka mid ah dacwadihii iyo difaacii labada dhinac ee is-haya.
Dadweynaha badankood ayaa Jan. C/samad u arka nin kalsooni weyn qaba maadaama uu go’aansaday inuu yimaado maxkamadda si nabad loogu helo beeshiisa iyo beesha ay ood-wadaagta yihiin ee sannadaha badan colaaddu ka dhex oognayd.
Lama saadaalin karo go’aanka kasoo bixi doona dacwadda ka socota Dooxada Gudur oo maxkamadda Islaamiga ah laga furay, waxaase guddiga dhiraan-dhirinaya sidii colaadaha deegaankaas ragaadiyey xal waara loogu heli lahaa, lana sugo ammaanka.
Deegaanka Maxkamadayntu ka Dhacayso, waxa Gacanta ku haya Maleeshiyo Beeleed kasoo jeeda Deegaankaas, waxana aan dadka shacabka ah loo ogolayn inay galaan Goobta Maxkamadayntu ka Socoto.
Goobtaas ayaanay haatan gacanta ku Haynin somaliland, waxana ay kamid tahay Deegaanada aanay wali Gaadhin Ciidanka qaranku ee Beelaha Degaa iyagu wali maamulkeeda gacanta ku hayaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com