Wada-hadalladii Somaliland Iyo Somalia Oo Maanta Furmaya Iyo Wasiir Biixi Ku Adkaystay Inaanay La Fadhiisan Doonin Xubno ay Saluugsan Yihiin Oo Dhanka Kale Kasoo Jeeda
Stanbul:March,01,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Ka Hadlay Wada-hadalka Somaliland Iyo Somalia ee Lagu wado inuu maanta ka furmi doono Magaalada Stanbul ee Dalka Turkiga.
Wasiir Biixi oo la Hadlay BBC-da, ayaa ka Hadlay warar sheegaya in Dhinaca Somalia ay ka socdaa Xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo sheegay inaanay la Fadhiisan doonin.
Mudane Biixi waxa uu hoosta ka xarriiqay in waxyaabaha laga hadli doono ay kaw ka yihiin Qoddobo hore loogu heshiiyey oo uu tilmaanay inay dhinaca Somalia ka fuli waayeen, waxana uu ku adkaystay inaan xubnaha Somalilnad u dhashay aanay la hadli doonin,
“waa shir ay labada waddan is horfadhiinayaan, Somaliland-na marna ma ogolaanayso inay shirka soo fadhiistaan Dad somaliland u dhashay, waxana aanu filaynaa in shirka lagaga wada hadlo waxyaabihii faraha badnaa ee aanu ku heshiinay ee ay ka baxeen.” Ayuu yidhi Mudane Biixi.
Wasiir Biixi oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay khasab tahay in xubnaha lala hadlayo ay noqdaan Xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Dhulkii Talyaanigu Gumaysan jirey oo haatanna ah Somalia, waxana uu yidhi,
“Annagu diyaar uma nihin una ahaan mayno inaanu la fadhiisano nin somaliland u dhashay inaanu la fadhiisano, somaliland-na xuduud bay leedahay, waxanuse la fadhiisanaynaa dadkii dhulka Talyaanigu haysan jirey ee Somalia la yidhaahdo la hadalno, dadkaas oo aanu laba waddan oo kala gaar ah nahay, imika aanu doonayno inaanu ka wada haladno sidii aanu u kala bixi lahayn.”
Shirka Labada dhinac oo lagu wado inuu Maanta ka Bilaabmo magaalada Stanbul ee Dalka Turkiga, ayaa ah heer Wasiirro, waxana la filayaa inuu socon doono muddo kooban, isla-markaana ay kasoo baxaan Qoddob ka duwan Kuwii hore u soo bixi jirey.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com