|

Xabsi 15-Sano ah Oo Lagu Riday Muwaadin Soomaaliyeed Oo Ku Nool Dalka Maraykanka

Austin:Feb,07,2015(SDN/QJ)-Maxkamad ku taalla Dalka Maraykanka ayaa xabsi 15-sano ah ku ridday Muwaadin soomaaliyeed Oo Halkaas ku noolaa, kaas oo lagu xidhiidhiyey Arrimo Argagixiso.

depMuwaadinkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir Maxamuud Ibraahim, ayaa la sheegay inuu xidhiidha dhaw la lahaa Kooxda Al-shabaab, waxana baadhitaanadii lagu fuliyey lagu sheegay inuu dhaqaale u ururin jirey.

Cabdnaasir Maxamuud Ibraahin oo 43 sano jir ah ayaa qirtay inuu lacago caddaan ah u ururiyay ururka Alshabaab waxana uu  doonayay in uu u qoro ururka Alshabaab oo weeraro ku qaado wadamo ku yaal qaarada Afrika sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha degmada.

Eedeyntan ayaa waxaa ka mid ah in uu been ka sheegay dikuminti uu ku doonayay in uu degenaansho uga helo wadanka Maraykanka. Dalka Maraykanka ayaa waxaa sanad walba maxkamad lagu soo saaraa muwaadiniin asalkoodu yahay Soomaali kuwaasoo loo haysta dambiyo la xidhiidha inay xidhiidh la lahaayeen ururka Alshabaab.

Maraykanka ayaa waxaa uu ka mid yahay wadamada dagaalka kula jira ururka Alshabaab waxana uu Maraykanka marwalba weeraro dhinaca cirka ah ku qaadaa fadhiisimaha ay leeyihiin ururka Alshabaab ee gudaha dalka Soomaaliya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed