Baqdaad Oo Sabtida Berri ah Laga Qaadi Doono Bandoo Sanado ahaa Oo Xilliga Habeenkii Saarnaa
Baqdad:Feb,06,2015(SDN/QJ)-Maalinta Berri ee Sabtida ah ayaa la shaaciyey in la qaadi doono Bandoo sanado badan soo taxnaa uu saarnaa Caasimadda Ciraaq ee Baqdaad.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha guddaha waxa uu sheegay in Rai’sal wasaare Haider Al Abadi uu amray in la soo afjaro bandawga sabtida, taas oo farxad gelisay shacabka caasimadda ku nool oo arrintaasi dhibaato weyn ku ahayd.
Saacadihii bandawga ayaa isbadal lagu sameeyay, haddana waxa uu shaqeeya saqda dhaxe ilaa shanta subaxnimo.
Baqdaad waxaa wali si joogta ah uga dhaca gawaadhi la qaraxyo iyo weeraro kale oo ay gaystaan Malayshiyaadku.
Laakiin wariyaha BBC-du waxa uu leeyahay waxaa sii yaraanaya halista ay magaalada ku hayaan ururka Daacish.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com