Faraqa u dhexeeya Isbedel doonkii Kulmiye iyo Kan Laydhiisu dalka Ruxday 2015 Iyo Cali Sanyare(DHEGEYSO PRT2)
Geneva Feb 06,2015(SDN/QJ)-Mudane Cali Ibraahim Moxamed (Cali Sanyare) oo ahaa Wasiirkii Qorsheynta Qaranka iyo Xidhiidhka Ha’yadaha Caalamiga ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa, isagoo joga magaalada Jineefa (dalka Swiserlaan), aannu la yeelanay wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanya.
Wareysigan oo taxane noqon doona ayaad maqli doontaan maalin walba oo jimce ah dhawrka todobaad ee ina soo haya.
Md Cali Sanyare ayaa wareysiga qebtii aanu siideynnay todobaadkii hore Wuxuu noo sheegay in intii xisbigiisii UDUB uu saaxada ka baxay, aannu xisbina ku biirin, laakiin uusan siyaasada ka bixin, sidoo kale waxa uu si mug leh uga waramay marxaladaha ku gedaaman doorashooyin xalaala ah oo Somaliland ka qabsansoonta mudadii loo qondeeyay iyo waxa ay dalka dhaxalsiin kareyso Tabaha xukuumada ku damacsan tahay in doorashooyinka dib loo dhigo.
Hadaba Taxanaha xog wareysiga Wasiirkii Hore ee Qorsheynta Qaranka Somaliland Md Cali Sanyare iyo todobaadkan Waxaad ku maqli doontaan:
sababaha keenay isbedel doonkii xisbiga Kulmiye UDUB xukunka kaga tuuray. Maxaase yihiin hadda astaamaha kale ee guuxa bulshada kasoo baxaya ee keeni kara isbedel kale oo saaxada ka saara Xisbiga KULMIYE.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/san2.mp3″]
HALKAN GUJJI SI AAD MOBILKA UGU DHEGEYSATO QEYBTA2AAD EE WARESIGA CALI SANYARE
HALKAN GUJJI SI AAD MOBILKA UGU DHEGEYSATO WAREYSIGA CALI SANYARE QEYBTIISA 1AAD