Qaramada Midoobay Oo Walaac Weyn Ka Muujisay Joojinta Lacagaha Soomaalida Looga Diro Dibadaha Oo Meelo Maraykanku Kamid Yahay Carqaladi Kaga Socoto
New York:Feb,06,2015(SDN/QJ)-Kadib markii Baanka ugu weyn goobaha xawaaladaha Maraykanku lacagaha kasoo xawilaan ku dhawaaqay inuu xidhayo Akkoonadii soomaalidu ku lahayd, ayey qaramada Midoobay arrintaas walaac xoogan ka muujiysa.
Nicklos Key oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, ayaa arrintaas ka digay, waxana uu carrabka ku adkeeyey in lacagaha soomaalidu ka hesho dhanka xawaaladuhu ay tahay isha kaliya ee qoysas badani ka helaan dhaqaalaha ay noloshooda ku deberaan,
“Waa nolosha iyo badbaada dad badan oo Soomali ay ka mid yihiin,marka loo eego dhanka bini-adanimada,waana arin wal wal abuureysa hadii si dhab ah loo joojiyo xawilaadaha lacagaha,” ayuu yidhi Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia.
Kooxda gargaarka caalamiga ee Oxfam,ayaa tiro koob ay sameysay waxay ku sheegtay in muwaadiniinta Soomaaliyeed lacago gaadhaya $1.3 billion u soo diraan dalkooda sanadkiiba.
Bangi ganacsi oo ku yaal California,ee dalka Mareynkanka ayaa shaaca ka qaaday inuu xidhiidhka u jarayo dhamaan Akoonada Soomaalida,wuxuuna Bankiga usbuucii la soo dhaafay qoraalo u diray dhamaan Shirkadaha lacagaha ka soo dira dalka Mareynkanka una soo dira Soomaaliya.
Sidoo kale,Dowlada Soomaaliya ayaa ka digtay in Bankiga Mareynkanka uu xidhiidhka u jarayo dhamaan xawaaladaha Soomaalida.
SDN/QJ