Wasaarada Caafimaadka oo Joojisay Xayaysiisyada Caafimaad ee Warbaahinta lagu soo bandhigo
Hargeysa, 06. Feb 2015 (SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), ayaa shalay qoraal uu soo saaray wuxuu ku mamnuucay xayaysiisyadda loo sameeyo caafimaadka, waxaanu warbaahinta iyo shirkadaha telefoonada uga digay xayaysiis u samaynta arrimaha caafimaadka karin.Sidaana wuxuu wasiirku ku sheegay qoraal wareegto ah uu soo saaray, taasoo u dhignayd sidan;
“Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shirkadaha isgaadhsiinta, Telesom, Somtel, Idaacadaha, Telefishinada, Wargeysyadda iyo guud ahaan Warbaahinta, muuqaal, arag, mareegaha degelada wararka Internetka, in la mamnuucay sii daynta xayaysiisyada ku taxaluqa farriimaha caafimaadka iyo daawaynta dadka, ee aan soo marin qaybta warbaahinta ee wasaarada caafimaadka.
Markaanu ogaanay in warbaahinta laga sii daayo dad aan khibrad caafimaad u lahayn, kana haysan ogolaansho ruqsadeed wasaarada caafimaadka, taas oo ku keeni karta bulshada waxyeelo caafimaad daro. Markaanu eegnay fariimaha caafimaadka ee laga sii daayo warbaahinta in aanay waafaqsanayn siyaasada wasaaradda caafimaadka; Waxaanu go’aansanay inaanu soo saarno wareegtadan oo dhaqan geli doonta maalinta bishu tahay 09/02/2015, sidaa darteed, waxaanu idin faraynaa inaad fulin doontaan ku dhaqanka wareegtadan, waxaanu idinka rajaynaa inaad fulin doontaan wareegtan”.