“Beel ahaan Qorshaha Nooguma Jirto In Madaxweynuhu Shan Sano Kaga Tago, Waxana Aanu Leenahay Somaliland Ha Xejisato Waanu Kordhinayaaye….”Boqor Buurmadow
Hargeysa:Feb,05,2015(SDN/QJ)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo ay isku beel yihiin Madaxeynaha Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in beeshiisu diyaarinayso sidii madaxweyne Siilaanyo muddo laba sano ah loogu kordhin lahaa.
Boqor Cismaan oo Maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa si cad u sheegay in marka la eego waxqabadka Madaxweyne Siilaanyo ay Beeshu qabto aragti in madaxweynaha muddo kordhin loo sameeyo, maadaama uu waxqabad badan muujiyey,
“Qolada Waddani oo aanu aad sxb u nahay baan u sheegay in haddii doonayaan in si fiican wax u dhacaan inagoo dhinacyo badan wax ka eegayno waxa fiicnaan lahayd in odaygu maadaama uu soo shaqeeyey oo si fiican u shaqeeyey in laba sano loo kordhiyo, taas waan qabaa Ka-beel ahaana waanu qabnaa,”ayuu yidhi Boqor Cismaan Buurmadow.
Boqorka Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in marka la eego Beesha Madaxweynaha aanay qorshaha ugu jirin in madaxweynuhu aanu xilka kaga tagin shanti sano ee Distooriga ahayd, isla-markaana ay rajo fiican beeshoodu ka qabto in Guurtida iyo Komsihankuba ku raaci doonaan, waxana uu yidhi,
“Annagu ka beel ahaan qorshaha nooguma jirto in madaxweynah shan sano lagaga tago ama reer Ahaan ay kaga wareegto, waxana aanu leenahay Somaliland ha xejisato waanu kordhinaynaaye, haddana kama boodayno Komishanka, guurtida Rajo fiican baanu ka qabnaa,, ciddii wadadii hore la leexisa ee mark acid loo kordhiyo diidanayaa iyagaa og meesha ay wax ku wadaan.”
Boqor Cismaan ayaa noqonayaa madax-dhaqameedkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo ee si caddaan ah warbaahinta uga sheega in muddada loo kodhiyo madaxweyne Siilaanyo oo u muuqdda nin ku fashilmay inuu qabto doorasho xilligeedii ku qabsoonta.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com