|

Akhri Magaca Sarkaalkii Diyaaradaha Maraykanku Xalay Badhtilmaameedsadeen Oo La Shaaciyey

Muqdisho:Dec,30,2014(SDN/QJ)-War hordhac ah oo  kasoo baxay Xukuumadda Somalia, ayaa lagu  shaaciyey Magaca Sarkaalkii kooxda Al-shabaab ka tirsanaa ee Habeenkii xalay Diyaaradaha Maraykanku ku Badhtilmaameedsadeen Deegaanka Saakow ee Gobolka Jubadda Dhexe.

nisaWar-saxaafadeed waxyar ka hor laga soo saaray Xarunta Hay’adda Nabadsugidda Somalia ayaa lagu shaaciyey in Hawlgalkaas lagu dilay Sarkaal Magaciisa lagu sheegay Cabdishakuur, loona yaqaanay Tahliil oo hayey Xilka Sirdoonka iyo Amniyaadka Al-shabaab.

“Howgal ay xalay iska kaashadeen Hay’adda sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka  Somaliyeed iyo dhigooda Mareykanka, ayaa  waxaa lagu qaraajiyey meel 25-KM u jirta Saakow, Amiirkii Amniyaadka iyo  Sirdoonka maleeshiyada Al-shabaab oo  lagu magacabi jiray Cabdishakuur – islamarkaana kooxda Shabaab ay u yaqaaneen Tahliil , kaasoo dhowaan ay ku badaleen Sakariya oo hada gacanta NISA ku jira”ayaa lagu yidhi war saxaafadeed ka soo baxay NISA.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in Sarkaalkaas weerarka duqeynta cirka lagu dilay ay la geeriyoodeen 2 qof oo ka tirsanaa Shabaab, waxaana NISA ay intaa ku dartay in magacyadooda dib laga soo sheegi doono.

Dhanka kale war saxaafadeedka ka soo baxay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka in Sarkaalkii lagu magacaabayay Zakariye Ismaaciil oo Shabaab u ahaa hore ee dhanka Sirdoonka ay gacanta ku hayaan, ayba been abuur tahay in Kenya u gacan galay.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xiliyada soo socda ay dowladda Soomaaliya ka soo saari doonta warbixino dheeraad ah.

Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa goor sii horeysay sheegtay duqeyn cirka ah oo ay ka fulisay Koofurta Soomaaliya ku bartilaameedsaday Hogaamiye sare, waxaana war ka soo baxay Pentagon-ka lagu sheegay inay qiimeynayaan weerarkaas natiijada dib ka soo sheegayaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed