|

Xogo Cusub Oo Laga Helay Xaaladda Sarkaalkii Shabaabka ahaa ee Gacanta Ciidanka Dawladda Soo Galay Iyo Sirdoonka Reer Galbeedka Oo Muqdisho Kusii Sugaya

Ceelwaaq:Dec,30,2014(SDN/QJ)-Waxa warbaahinta kala duwan ee Soomaalidu ay diiraddaku Hayaan wararkii ugu dambeeyey ee Sakariye Ismaacil Cabdi oo ah sarkaal Al-shabaab ah oo dhawaan galay Gacanta Ciidanka Dawladda ee Gobolka Gedo.

SHABAABIGAWararkii ugu dambeeyey ee Sarkaalkan, ayaa sheegaya inuu wali deegaanka Ceelwaaq ku sugan yahay, balse la filayo in Maanta loo qaado dhinaca Magaalada Muqdisho si ay hawshooda uga qabsadaan Ciidamada Sirta Somalia oo ninkan hamuun badan u qaba.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Saraakiil tiro  badan oo ka tirsan Sirdoonka Maraykanka iyo Reer Galbeedku ay ku sugayaan Gudaha Magaalada Muqdisho si ay Baadhitaano xad-dhaaf ah ugu sameeyaan Sakariye oo ah sarkaalkii  ugu sarreeyey ee soo gala Gacanta Ciidanka Dawladda Somalia.

Ma ah Cidda Sarkaalkan sugaysaa Sirdoonnada Somalia iyo Reer Galbeedka oo Kaliya, balse kuwa Ethiopia iyo Kenya ayaa doonaya inay dhinacooda baadhitaanno kala duwan ku sameeyaan Sarkaalkan, waxana dhacday In ciidanka Kenya isku dayeen inay si xoog ah kula wareegaan Sakariye  markii uu gacanta ciidanka soo galayba.

Sakariye, ayaa la filayaa inuu Noloshiisa kusii qaadan doono jeelasha dhibaatada Badan eek u Yaalla Magaalada Muqdisho, waxana la marin doonaa Hab su’aaleed aad u adag oo la mariyo cid kasta oo loo tuhmo inay hayaan Xogo ku saabsan Arrimaha Ururka Al-shabaab.

Saraakiil hore uga Tirsanaa Ururka oo ay kamid ahaayeen Sheekh Xasan Daahir iyo Sheekh Atom, ayaa wali muddo badan kusii jira Jeelasha Muqdisho, waxana ay taasi  adkaysay inay xubno shabaabka ka tirsani kusoo dhiirradaan gacanta Xukuumadda, maadaama aanay xorriyad dambe ku naaloon doonin.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed