|

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Farogelisay Doorashada SONYO Iyo Hoggaanka Cusub Ee Ururka Oo Ka Hadlay

Hargaysa:Dec,30,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo dabeecadaheeda ay kamid yihiin inay Midigta ku qabato meel kasta oo masiirka umadda iyo waaxaha shacabka laga dhaqaajiyo ayaa usoo xadhko xidhatay inay Gacan-togaalayso arrimaha Ururka Dhallinyarada ee SONYO oo dhawaan  shirweyne qabsaday.

vortXukuumadda ayaa si weyn uga cadhootay Shirweynahaas oo dhawaan lagu tuuray Hoggaankii hore ee ururkaas oo u janjeedhay dhinacooda, waxana ay bilaabeen inay carqaladeeyaan doorashada hoggaanka cusub ee ururkaas oo loo arkay mid xukuumadda ka madax banaan.

Xukuumadda ayaa arrinta Farogelinta Ururka usoo adeegsatay Wasiirka Dhallinyada iyo Ciyaaraha Cali Siciid  Raygal, waxa soo baxaya warar sheegaya inuu wasiirku sheegay inaan shirkaas natiijadii kasoo baxday aanay sharci ahayn, isla-markaana loo baahan yahay in Guddi cusub oo dhexdhexaadin gasha la magacaabo.

Cabdicasiis Xirsi Warsame oo Guddoomiyaha cusub ee lagu doortay Shirweynihii Toddobaad ee Ururkaas, ayaa arrintan si weyn uga Hadlay, waxana uu xukuumadda ku eedeeyey inay ku Hawllan tahay Inqilaabka Ururkaas.

Warsaxaafadeed uu Guddoomiye Cabdicasiis soo saaray oo soo gaadhay Qurbejoog.com,  oo uu Afduubka xukuumadda kaga Hadlayey, ayaa sidatan u dhignaa:

“Waxaan halkan caawa ka sheegayaa in Xukuumaddu,gaar ahaan Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaruhu Cali Siciid Raygal uu doonaayo inuu afgembi  ku sameeyo  Go’aamadii sharciga ahaa  ee ka soo baxay Shirweynihii 7aad ee SONYO ee sida aqlabiyada ah la iigu doortay anigoo ah Cabdicasiis Xirsi Warsame.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu waxa uu doonayaa inuu si badheedha ugu awood sheegto oo uu si cad oo muuqato oo aan gabasho lahayn uga horyimaado Rabbitaanka Ergooyinkii ka soo qayb-galay Shirweynihii 7aad  SONYO, ee sida Dimuquraadiyada leh codkooda u dhiibtay, waxa uu Wasiirku caddaystay inuu adeegsanayo Shaanka dawladeed ee uu Xisaanadiisa sito, arrintaas waxaan leeyahay Xukuumaddu ha ogaato oo hala socoto fool-xumada ay leedahay iyo waxa ka iman kara labadaba, waxaan cadaynayaa in Wasiirku uu doonayo inuu Sifo Sharci-darro ah ku burburiyo Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO.

Guntii iyo Gebagebadii waxaan Hadalkayga ku soo gunaanadayaa oo aan bulshada reer Somaliland,iyo daneeyayaasha arrimaha dhalinyarada  in Xukuumaddu rabto inay AFGEMBIDO ku samayso Dallada  SONYO, iyadoo maraysa dariiq aan Sharciga baalmarsan.

 

WABILAAHI TAWFIIQ

 

Guddoomiye Cabdicasiis Hersi Warsame

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed