Filashada Isku Shaandhayn Bilowga Sannadka Cusub ,Mas’uuliyiinta loo Sadqayn doono Tabashada Reer Awdal Iyo Kulaylka Mudo Kordhinta
Hargeysa, 30 Dec 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo xukuumaddiisa waqtigan ay la deris yihiin caqabada badan oo siyaasadeed, ayaa la filayaa inuu ku talaabsado dhawaan isku shaandhayn iyo wax ka bedel uu ku sameeyo golihiisa.
Ma jiraan warar madax banaan oo ka soo yeedhay madaxtooyada, balse siday wargeyska Ogaal u sheegeen illo xukuumadda ku dhawdhawi, waxa suuragal ah in madaxweynuhu wax ka bedel degdeg ah ku sameeyo, kaasoo dhawr goor oo hore la saadaaliyay, balse aan dhicin. Tabashada xiisadda ka shiday gobolka Awdal ee hore loogu soo qadimay Madaxweyne Siilaanyo, balse loo arko in aan jawaab waafi ah xukuumaddu ka bixinin, ayaa xoguhu tibaaxeen inay qayb ka tahay, waxyaabaha dabada ka riixaya isku shaandhaynta la saadaalinayo, isla markaana waxay xogahaasi tuhunsan yihiin, in isbedelku saamayn doono wasaarado muhiim ah, kuwaasoo mid ka mid ah lagu wado in loo magacaabo siyaasi miisaan leh oo ka soo jeeda Awdal.
Hase yeeshee, xogo kale oo kuwaa barbar socda ayaa tibaaxay, in aan wax badani ka jirin wararkaa, isla markaana ay madaxweyne Siilaanyo ku adag tahay inuu ku dhex dhaco golihiisa oo xilligan u muuqda mid kala furasho badani dhexdiisa ka jirto, taasoo awal horeba lagu naanaysi jiray. Xogahaasi waxay intaa ku dareen, in sidoo kale ay madaxtooyadu bilowday olole ku saabsan muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda, maadaama waqti lix bilood ahi ka hadhay waqtigii doorashada, ilaa haddana aan la qaban diiwaan gelintii cod bixiyayaasha. Xogahaasi waxay intaa raaciyeen, in qorshahaana aanay geli Karin haddii isbedelka la sheegayaa dhaco.
Dhinaca kale, komishanka doorashooyinka laftooda Ayaan weli soo bandhigin jadwalkii hawsha doorashada oo tirsiimadiisu ku beegnayd 25.dec.2014, isla markaana xogo ka soo yeedhay xog ogaal amuurahaa la socdaa, waxay tibaaxeen in komishankanku tusmaynta muddo kordhin kooban baahideeda durba laga dareemay. Laakiin ma jirto xaqiiqo rasmi ah oo ka soo baxday. Hase yeeshee xoguhu waxay tilmaameen in madaxtooyadu u baahan tahay dhawaaq dhinaca mucaaridka ka yimaada oo gabood uga noqda weji gabaxa muddo kordhinta oo qayladeedu iyo afeefteedu horeba isugu yeedhaysay, xukuumaduna dafiraysay inay doonayso.
Filayaa Inuu Isku shaandhayn Ku sameeyo Golihiisa Wasiiradda, Waxaanna Wasaaradaha sidda ay saamayn doonto Ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda somaliland.
Wasiirka Maaliyadda somaliland Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa la filayaa inuu Xilkiisa Waayo Waxaanna Xilkaasi loo Qoondeeyay Masuul reer Awdal ah.
Masuuliyiinta Kale ee la Hadal Hayo inay Taabato Isku shaandhayntani ayaa La sheegayaa inay Yihiin Wasaaradaha Ganacsiga Iyo Maalgashiga, wasaaradda Boostaha iyo Isgaadhsiinta ,Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha iyo Maareeyaha Hamaha Shidaalka iyo Ku Xigeenkiisa.
Wasiir Samaale ayaa La filayaa inuu Ka Mid noqda Xubno Wasiiro Ah kuwaasi oo Ku Biiraya Xilsugayaashii Hore ee Xukumadda Siilaanyo oo ay Ka mid ahaayeen Wasiirkii Hore ee Kaluumaysiga Mudane Cabdilaahi Geeljire iyo Guddoomiyihii Haayadda Ilaalinta Tayadda Siciid Saleeban Mirre.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa La sheegayaa in loo Qorsheeyay Dr. Maxamuud Sheekh Xasan Taani oo Kasoo Jeeda Gobolka Awdal Halka balse Ilaa hadda Lama Hubo Wararkaasi oo hordhaca ah dartood.
Madaxweynaha Somaliland Waxaa La filayaa inuu Soo noqoshadiisa Kadib Waxka bedel ku Sameeyo Maamulka Gobolka Saaxil waxaase la filayaa inuu Madaxweyne Siilaanyo ka dur-sugo Natiijadda kasoo Baxda Xal u raadinta Xaaladda Gobolka Awdal.