|

Kooram la’aan sababtay inuu Furmi waayo Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada iyo Fariinta Shir gudoonka

Hargaysa 29.Dec 2014 (SDN/QJ)- Fadhigii maanta ay yeelan-lahaayeen Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa u baaqaday , ka dib markii uu kooramku buuxsami-waayay oo aanay fadhiga ka soo xadireen Xildhibaano kooban.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa soo jeediyay fariin digiin ah u diray Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee aan ka soo xaadirin fadhigan.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax waxa uu fadhigan baaqaday ka hadlay, waxa uu yidhi “Gudida joogta ee Golaha Wakiilada maalinta loo asteeyay In ay la kulmaan Wasaaradaha Dalka, waa In ay ku eekadaan. Hadii ay sidan ku sii socotana waxa ay ku waayi-doonaan Xilka ay hayaan, Gudidda joogtadu waa in ay fadhiga soo ajiibaan,Guddoomiyayaashoodu waa in ay Fadhiga joogaan,Xog-hayntana waxaan ku amrayaa in ay ii soo gudbiyaan Xildhibaanada maqan iyo kuwa fasax qaatay.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed