|

Gudi Qaban qaabo oo loo Xilsaaray Aaska Xoghayihii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo Beri lagu wado in Hargaysa lagu aaso

Hargaysa 29.Dec 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto, Gudoomiye ku xigeenka Ururka Kayse Axmed Digaale, Xoghayaha guud ee Ururka Solja Xuseen Aadan yuusuf (Xuseen Kurdi) iyo dhamaan xubnaha gudiga urukaasi waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Ubadkii, eheladii iyo dhamaan shacabka Somaliland ee uu ka geeriyooday Xoghayihii guud ee hore ee Ururka suxufiyiinta Somaliland Marxuum maxamed rashiid Muxumud faarax oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi oo dhaawac ahaan loogu qaaday, ka dib markii uu dhowaan galay shil gaadhi.

021Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa Guddi Qaban qaabo u Magacaabay Aaska Geerida Xoghayihii hore SOLJA Maxamed Raashid Muxumed Faarax oo Maalinta Barri ah  lagu Aasayo  Magaalada Hargeysa  waxanay Magacyada  Gudidu ay kala Yihiin.

  1. Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi jaamac (Xuuto)
  2. Guddomiyihii Hore ee SOLJA Xassan Maxamed Yuusuf
  3. Mawliid Maxamed Shaqale
  4. Mareeyaha Telefeshinka Qaranka Khadar Cali Gaas
  5. Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab)
  6. Agaasimaha HCTV Maxamed Cabdi Sheekh
  7. Xukun Saleeban Jirde.

 

Dhamaan Hogaanka iyo  Xubnaha Ururku waxay marxuumka ilaahay uga baryayaan inuu janadii ka waraabiyo eheladiisana Samir iyo iimaan ka siiyo. AAMIIN, AAMIIN

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Comments are closed