|

Madaxweynaha Kenya:Ciidamadeenu kama soo baxayaan Soomaaliya

Nairobi Dec 04, 2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa sheegay in ciidamadooda jooga Soomaaliya aaney ka soo bixi doonin Soomalaiya inta ay ka guuleysanayaan.

Madaxweynaha ayaa arinkaa ka dhawaajiyay mar uu ka waramayay weeraro isdaba jooga oo Shabaabku ay ka fuliyeen guddaha dalka Kenya.

“Shabaabku waxa ay guddaha Kenya ku dileen ilaa 800 oo ruux, 500 oo ka mid ahi waxa ay ahaayeen Shicib halka inta kalena ay ahaayeen ciidamada amaanka”sidaa waxa yiri Uhuru Kenyata.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ciidamadu aaney marnaba joojin doonin ololaha ka dhanka ah xagjiriinta Shabaabka.

“Cidamadeenu ma joojin doonaan dagalaaka ay kula jiraan Shabaab inta ay ka guuleysanayaan oo ay xasilinayaan Gobolka” ayuu madaxweynuhu ku yiri khudbadiisa.

Shicibka Kenya ayaa ka aamin baxay in dawladoodu sugu kareyso amniga faraha ka baxay intii ka danbeysay faro gelintii ciidamada Kenya ee Soomalaiya.

Shabaabka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaa hawlgalada ay ku leynayaan dadka ku nool degaanada xadka inta ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

SDN/QJ-Nairobi

contact@qurbejoog.com

Comments are closed