Madaxweyne Obamaha Maraykanka oo Dhanjaf ka qaaday Jiritaanka Cudurka Ebola
Washington 04.Dec 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegaya in dagaalka ka dhanka ah cudurka Ebola aanu dhammaanin, inkastoo istiraatiijiyadda US ee lagula dagaallamayo cudurka ayaa wax ku ool noqotay.
Isagoo ka hadlayay machadka qaran ee caafimaadka ee Maryland, waxa uu sheegay in “istiraatiijiyadeena waxa ay bilaabeysaa inaan aragno natiijada. Waxaan arkeynaa hormarro la sameeyay, balse dagaalka kuma dhowa xittaa inuu dhammaado. Illa iyo inta cudurka uu ka socdo galbeedka Afrika, waxaa sii arki doonnaa kiisas gudaha dalka Mareykanka. Galbeedka Afrika, tani waxay sii ahaaneysaa Ebolihii ugu xumaa ee taariikhda ugu dheeraa.”
Mr Obama ayaa golaha Congress-ka ugu baqay inay meelmariyaan dhaqaala dheeraad ah oo lagu kor dhinayo dadaalka si lagaga hortago Ebola.
index
Xilli sii horeysay, hay’adda caafimaadka ee MSF, ayaa si adag u cambaareysay jawaabta caalamiga ah ee laga bixiyay caabuqan faraha ba’an ku haya galbeedka Afrika, waxayna ku sheegtay dhaciifnimo, iyo gaabis.
MSF ayaa sheegtay in shaqada ka hortaga cudurka si ballaadhan loogu eegtay dhakhaatirta, kalkaaliyayaasha iyo hay’adaha gargaarka.