|

War Deg Deg ah:Xukuumada oo Xabsiga u Taxaabtay Mid ka Mid ah Gudoomiyeyaasha Xisbiga Waddani iyo Laba Xubnood oo Golaha Dhexe ka Tirsan

Hargaysa 03.Dec 2014 (SDN/QJ)-Guddoomiyihii Afaraad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Milgo sanbalooshe) iyo laba xubnood oo Golaha dhexe ka tirsan oo kala ah Hinda Xasan Idiris iyo Daa’uud Food Cadde ayaa goor dhawayd ciidamada boolisku ka qabteen wadda halbowlaha ah ee hormarta Madaxtooyada Somaliland.
Xubnahaas sare ee Xisbiga WADDANI ka tirsan ayaa haadan ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, sabab xadhigooda ka dambaysay ilaa hada ma cadaa, sida ay xaqiijisay Guddoomiyihii Afaraad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Milgo sanbalooshe).

Sidoo kale Xubnahaas xadhiga loo gaysatay waxa ay ka tirsan yihiin Guddida qaban-qaabada xaflad loo qabanaayo xubno cusub oo ku soo biiraya xisbga WADDANI, kuwaas oo xaflad loo qaban doono.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed