Ma Dhabbaa Inay Siyaasiyiinta Madasha Wada-Tashigu ay Dhawaan Ku Biirayaan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID?
Hargeysa, December 03, 2014 (SDN/QJ) – Sida ay sheegayaan ilo-wareedo xogogaal ahi wada-hadalo hoose oo u socday xisbiga mucaaridka ah ee UCID iyo siyaasiyiinta madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka ayaa u muuqda kuwa guulaysanaya, isla markaana ay labada dhinac isku af-garteen inay u midoobaan sidii ay wada-jir ugu wajihi lahaayeen iyagoo is-kaashanaya mushkiladaha dalka ka taagan ee ay u horseeday xukuumadda Siilaanyo.
Xogaha laga helayo wada-hadalkaas hoose ayaa sheegay inay dhawaan xisbiga UCID ka hilaaci-doonaan hogaanka madasha wada-tashiga iyo taageerayaashoodaba, taas oo miisaanka siyaasadeed ee Somaliland wax-wayn badali-doonta hadii ay dhacdo, isla markaana qayb ka noqon-doonta in la helo xisbiyo mucaarid ah oo ka adag kuwa hadda jira, isla markaana cadaaladda darada iyo musuqmaasuqa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ummadda si hufan ugu soo bandhigi karra.
Xigasho – Haatuf