Madaxweyne Gaas Oo Markale 30-cisho Gudahood u Qabtay Inay Isku Dhiibaan Shabaabka Ku Nool Deegaanada Puntland
Garowe:Dec,03,2014(SDN/QJ)-Maamul-goboleedka Somaaliyeed ee Puntland, ayaa ugu baaqay Kooxaha Shabaabka ah eek u dhuumaalaysanaya Buuralayda Galgala inay muddo kooban isku soo dhiibaan.
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisu uu muddo dheeraad ah ugu daray Muddadii uu hore ugu qabtay shabaabku inay isku soo dhiibaan, taas oo ah Soddon maalmood oo ay ciidamada iskugu soo dhiibi karaan.
Hadalkan ayuu Madaxeynuhu ka sheegay deegaanka Galgala oo uu booqday,isagoona sheegay in Puntland difaaceyso Jiritaankeeda iyo Nabadgalyadeeda isla markaana cida wax u dhimeysa ka qaban doonto.
“Sodonka Cisho ee soo socota cidii isa soo dhiibta oo ka waantowda arrintaas iyada ah iyana inaan cafis u fidino oo soo dhaweyno ayaan rajeyneynaa ,waxaan rabnaa marka iney fursadaas ka faa’ideystaan mar kale”ayuu yidhi Gaas.
Wuxuu hadalkiisa ku daray Madaxweynuhu in Al-Shabaab dowlad iyo shacaba kula dagaalamayaan Puntland meel walba oo ay ka joogaan inta qof Shabaab ah kaga suganyahay deegaamada dalka.
“ Puntland oo dhan baa dagaal ku jirta waana la dagaalameynaa meel walba oo ay Joogaana waan uga dabatageynaa .mana hadhsaneyno ilaa qofka ugu danbeeya Shabaab ee Puntland laga sifeeyo’’ayuu yidhi .
Madaxweyne Gaas ayaa ku sheegay baaqa Cafiska Sodonka maalmood ah in uu yahay kii ugu danbeeyey oo ay Dowladu siineyno dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab ee dhuumaaleysiga ku jira.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com