|

Xaaskii iyo Wiilkii Curad ee uu Dhalay Hoggaamiye Abubakar Baghdadi Oo Gacanta Lagu Dhigay

Beirut:Dec,03,2014(SDN/QJ)-War ay Baahiyeen ciidamada Ammaanka ee Dalka Lebonan, ayaa  lagu sheegay in xaaskii iyo mid ka mid ah wiilashad Hoggaamiyaha kooxda Daacish Abubarka Baghdadi gacanta lagu dhigay.

baqdaadiLabadan ruux ayaa la sheegay in lagu qabtay xuduudda u dhaxaysa Syria iyo Lebanon muddo Toban cisho ah ka hor kadib markii ay isku dayeen inay Gudaha Lebonan usoo tallaabaan.

Sida ay shaaciyeen wargeysyada dalka Lubnaan, xaaska Al-Baqdaadi ayaan wali la soo bandhigin magaceeda, hase ahaatee ciidamada ammaanka ayaa su’aalo ku weydiinayay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Wararka ayaa sheegaya in qabashada Xaaska Hogaamiyaha ISIS ay gacan ka geysteen Sirdoono shisheeye, hase ahaatee lama sheegin dalka uu yahay.

Qabashada xaaska Al-Baqdaadi ayaa ku soo aaday, iyadoo Kooxda ISIS ay gacanta ku hayaan ilaa 20 ka tirsan Ciidamada Lubnaan oo ay hore gacanta ugu dhigaan.

Abubakar Al-Baqdaadi ayaa warar soo baxay bishii hore sheegayay in lagu dilay weerar cirka ah, hase ahaatee ISIS ayaa beeneysay, markii diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay duqeeyeen kolonyo mareysay duleedka magaalada Mosul.

Al-Baqdaadi ayaa bishii June isku magacaabay Amiirka Khilaafada Islaamka, waxaana cajallad uu soo duubay ku baaqay in Folkaanada Jihaadka la gaadhsiiyo aduunka oo dhan, kadib markii xulufo uu hogaaminayo Mareykanka ay bilaabeen weeraro ka dhan ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed