Madaxweyne Kenyata Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkiisii Arrimaha Gudaha Mid Cusubna Magacaabay
Nairobi:Dec,02,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dalka Kenya, ayaa qaaday Tallaabadii ugu horraysay ee uu kaga jawaabayey Habacsanaanta ku timi ammaanka Dalkiisa iyo waliba xasuuqii xalay ka Dhacay Gobolka W/bari Kenya.
Madaxweyne Kenyata, ayaa daqiiqado ka hor la hadlay Shacabkiisa, waxana uu tilmaamay inuu aqbalay Iscasilaadii uu soo gudbiyey Taliyihii Ciidanka Boolisku david kimaiyo oo isagu dalbaday inuu shaqada ka tago, waxana uu sidoo kale xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha Joseph Ole Lenku, kaas oo isagu masuuli ka ahaa arrimaha Ammaanka Dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu xilka wasiirka Arrimaha Gudaha u magacaabay shakhsi kale oo hore ugu jiri jirey Aqalka Baarlamaanka Kenya, kaas oo soo maray shaqooyin dhinaca Booliska ah.
Arrintan ayaa ka dambaysay dhaliilo loo jeedinayey hogaanka Nabadda iyo cadaadis baahsan oo la saarayey raggan oo habacsanaan badani dul hoganaysay.
Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inuu Baarlamaanka dib uskugu yeedhi doono oo wax badan laga qaban doono sugidda ammaanka.
Waxa uu sheegay in si degdeg ah wax looga qaban doono arrimaha Amaanka ka dhanka ah ee soo noqnoqday, iyadoo shacabka Reer Kenya ay si weyn u kacsan yihiin.
SDN/QJ