|

Gudaha Dalka Kenya Oo Xalay Shabaabku Ka Fuliyeen Weerar Lagu Xasuuqay Dad Aan Waxba Galabsan

Mandhera:Dec,02,2014(SDN/QJ)-Kooxda Alshabaab ayaa weerar oo kale oo lagu le’day ka Fulisay Gudaha Dalka Kenya kadib weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen Goobo ku dhaw Xuduudda ay la wadaagto Somalia.

xareoKooxda ayaa weerar ay xalay fuliay ku diashay Ilaa 36-qof oo dhamaantood aanay aaminsanayn Diinta Kiristaanka, kuwaas oo ahaa dad ka shaqayta Qodista dhagaxa oo ku sugnaa Gooob ku dhaw Magaalada Mandheera.

“Waxaan ka xunahay in 36 qof oo kale in lagu dilay weerar xalay saqdii dhexe dhacay, markii la weeraray meel 15-KM u jirta Mandhera oo ah goob laga qodo dhagxaanta”ayuu yidhi Gudoomiyaha Magaalada Mandhera Ali Roba oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkan ka dambeysay, waxaana war qoraal ah oo ay soo saartay ay ku cadeysay in weerarkan uu ahaa mid ay ugu aar-gudeysay dadka Muslimiinta ee ay hore kenya u leysay.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in howl galkan ay fuliyeen Guuto gaar ah oo loogu magac daray Saalax Nabhaan oo sanadkii 2009-kii ay Mareykanka ku dileen Shabeellaha Hoose.

Waa markii labaad oo Al-Shabaab ay weerar dad badan lagu dilay ka fuliso nawaaxiga Mandhera, bishii hore ayay aheyd markii ilaa 28-ruux oo saarnaa bas u socday Nairobi la dilay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed