Mooshinkii Ka Dhanka ahaa Ra’isal Wasaare Cabdiweli Oo Maanta Golaha La Keenayo iyo Duruufaha Ku Xeeran
Muqdisho:Dec,02,2014(SDN/QJ)-Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia ayaa Maanta la filayaa in loo qaybiyo Mooshinkii ka dhanka ahaa Xukuumadda Ra’isal wasaare Cabdiweli iyadoo hore saddex goor uu mooshinkani ugu dhex fashilmay Golaha Shacabka dhexdiisa.
Wararka laga Helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta dhinacyadii is hayey ay maanta heshiis ku yihiin sidii mooshinkaas si nabad ah loo qaybin lahaa, isla-markaana loo Gudogeli doono, waxana meesha laga saary khilaafkii Mudanayaasha dhexdooda ku jirey.
Mudanayaasha ayaa la sheegayaa ka hor kulankooda Maanta ay heshiis ku yihiin sidii looga hortegi lahaa rabshado cusub oo Golaha dhexdiisa ka dhaca, iyagoo isku qanciyey inay Baarlamaanku sharciyadooda ilaashaadaan, waxana uu Guddoomiye Jawaari oo shirar kala duwan la qaatay dhinacyada is hayey uu ku qanciyey inay ixtiraam muujin doonaan marka mooshinka la qaybinayo.
Kala guur dhinaca xildhibaanad ah ayaa ka dhex socday oo xubno kamid ah Golahaas, waxana mudanayaashu marba ukala socaalayeen Garabyada is haya ee Baarlamaanka, waxase Maanta ay heshiis ku yihiin in Mooshinkaas si nabad ah loo qaybiyo Isla-markaana Dooddiisa la gudogeli doono maalmaha soo socda.
Hadii uu Mooshinkani sidan kusii socda waxa Muuqata in Ra’isal wasaare Cabdiweli iyo Xukuumaddiisu ay Meesha kasii baxayaan, maadaama Baarlamaankii difaaca ugu jiray ay Haatan Bari ka yihiin.
SDN/QJ