“Madaxweynuhu Ciddii Uu Noqday Baa Nin Shisheeye Ah Ii Haysta, Waxan Waan Kula Leeyahay” Dardaarankii Abwaan Gaariye DAAWO
Hargaysa 02.Dec 2014 (SDN/QJ)- Hal abuurku Wuxuu ka Falkiyaa soo bandhigada dareemada qarsoon ee aadamaha la deriska ah .
Waxa uu Gudbinta aragtidiisa kula Kulmaa in lagu Colaadiyo,Lagu faquuqo amase Dhibaato Shakhsi ahaan loo Gaysto, dadkii Indheer garadka mutacalminiinta ahaa [Intellectuals ] ee dareemay in waxani qaldan yihiin ayaa madaxa lagaga fadhiistay, markaa waxaydaan Afrika ugu dheeraan ka hadalkeeda waar nimankani geelloodii bay bahashan u haystaane ha la yidhaahdo ka kaala miyigii ee dawladnimada sidan gaalladu u haysto u fahma oo cabudhintan, cadaadiskan iyo ninkan madaxa igaga joogsanaya markaan fikradayda dhiibto halaga il baxo, hadda mid miskiina oo ka aan u hadlayo ah ayaa xanaaqaya oo odhanaya ‘Madaxweynahayagii buu soo hadal qaaday’ oo shafkuu kuu garaacayaa, markaasaad odhanaysaa ‘Waar waad bakhtiyeysaan yaa tabcaan, adaan kuu hadlayaa’ waa halkaas halkaan ka hadlayaa, waayo bal ka n eeg bakhtiyaya ee igaga daran dawladnimadiiba” Sidaa ayuu yidhi Marxuum Macalin Maxamed Xaashi Dhamac oo Horaantii Sagaashamaadkii Ka hadlayay barnaamijka Sirta Ereyga loo yaqaan ee ka baxa Telefishanka Dawladda Jabbuuti, kaasi oo uu soo saare ka ahaa Aqoon yahan Maxamed Cabdillaahi Riiraash.