|

Nuxurka Kulan Madaxweyne Gaas Markab Dushii Kula yeeshay Saraakiil Ka Tirsan Isbahaysiga Nato

Bosaso:Dec,01,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali(gaas), ayaa Xeebta Bosaso kula yeeshay Kulan saraakiil ka tirsanayd  Isbahaysiga Nato, iyadoo kulankaasina  ka dhacay Markab dagaal dushiisa.

taroSaraakiisha uu shalay Madaxweyne Gaas la kulmay ayaa ahaa qaar ka tirsanaa ciidamada NATO ee howl galka ka dhanka ah budhcad badeeda kawada xeebaha Soomaaliya gaar ahaan saraakiisha hogaamiya ciidanka Dawladda Denmark ee howl galkaasi qeybta ka ah.

Waxaa kulankaasi dhanka dowladda Puntland kala qeyb galay Madaxweyne Gaas, wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Amniga Puntland, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka budhcad badeeda, Wasiirka Kalluumaysiga iyo kheyraadka badda Puntland iyo sidoo kale Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay mudadii uu socday kulanka waxaa ka mid ahaa sidii loo dar-dar gelin lahaa soo afjarida iyo la dagaalanka budhcad badeeda iyo kooxda  Al-shabaab iyo ka hortaga kalluumaysiga sharci darada ah.

Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada NATO ayaa Madaxweyne Gaas u sheegay in doonyo si sharci daro ah uga kalluumaystaan xeebaha Puntland ay jiraan kuwaasi oo kor u dhaafaya 200 oo doonyood oo habayaraate wax ogolaansho ah aan u haysan marka laga reebo 30- meeyo haysata ruqsada kalluumaysiga sharciga ah taasina ay ku tusayso in amuurtani ay tahay musiibo qaran sidiiba uu hore ugu sheegay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in kalluumaysiga sharci darada ah uu yahay musiibo qaran horaanti sanadkaan.

Sida Ciidamada isbahaysiga NATO sheegeen ayaa waxay tilmaameen in doonyahan kaluumaysiga sharcidarada kawada xeebaha Puntland ay ku arkeen deeganka xaafuun keliya 200 doonyood oo jariif ah, taasina ay ka markhaati furayso in xaalufin ba’ani kasocoto bada Soomaaliya.

Saraakiishaasi ayaa sidookale madaxweyne Gaas u soo bandhigay tababaro ay siiyeen qaar kamid ah ciidanka ilaalada xeebaha Puntland gaar ahaan ciidanka ilaalada dekeda Boosaaso, kuwaasi oo la baray sida loo baadho sunta,sida doonida marka aad istaajinayso loo hor istaago, sida loo weydiiyo Documintiga doonyaha iyo maraakiibta iyo weliba sida loo baadho khanka doonyaha iyo maraakiibta ay suurtagalka noqoto in lagu soo qariyo hub iyo maandooriye.

Sidoo kale waxaa si qoto dheer loo lafaguray caqabadaha taagan ee u baahan in si deg deg ah wax looga qabto iyo sidii dhibaatooyinka arimaha bulshada la isaga kaashan lahaa wax ka qabashadooda.

Madaxweyne Gaas ayaa saraakiisha isbahaysiga NATO uga mahadceliyey tababar siinta ciidanka, isagoona ku booriyey in ay sii laba jibaaran si loo helo ciidan xoogan oo ilaaliya xeebaha Puntland lana dagaalama denbiilayaasha geysta faldenbiyeedyada.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayay arrimaha sababay abuuritaanka burcad badeeda sheegay in ay ka mid tahay shuftada sida sharci darada ah uga kalluumaysta xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo kelifay in kooxahaasi burcad badeeda ahi ay abuurmaan.

Gebe-gebadii kulanka ayaa waxaa la isku afgartay  in la xoojiyo la dagaalanka budhcad-badeeda, cidhibtirka kooxda Al-shabaab, iyo sidoo kale ka hortaga kalluumaysiga sharcidarada ah ee xaalufiyey badaha Soomaaliya.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed