Madaxweynaha Ruushka Oo Muujiyey Awoodo iyo Xirfado uu Dheer yahay Madaxweyneyaasha Caalamka
Moscow:Dec,01,2014(SDN/QJ)-Vladamir Putin oo ah Madaxwenaha Dalka Ruushka, ayaa Dunida u muujiyey quwadiisa jidheed iyo sida uu u yahay nin aan ka fogaan dhallinyaronimadiisii, waxana uu wacdaro ka dhigay ciyaar nooca Barafka Dushiisa lagu ciyaaro ah oo uu shalay ka qaybqaatay.
Madaxweynuhu waxa uu ka qaybqaatay ciyaarta Hocky-ga oo ka dhacday Magaaladii ciyaarihii Olympic-da qabowga lagu qabtay ee Sochi, waxaana la arkayay Madaxweyne Putin oo is laba rogaya ciyaarta dhexdeeda.
Madaxweynaha Ruushka oo 62-jir ah ayaa dhaliyay dhawr gool, waxaana ciyaartaas sidoo kale kala qayb qaadanayay, xubno uu ka mid yahay wasiirka gaashaandhiga Ruushka, Sergei Shoigu iyo ciyaar yahano waaweyn oo uu ka mid yahay kabtankii hore ee kooxda Hockey-da Ruushka Dmitry Chirychenko.
Vlidamir Putin madaxweynaha Ruushka oo ah nin ad adag ayaa leh hibooyin dhowr ah iyo xirfaddo uu aad u jecelyahay kuna soo tababartay xiligii uu yaraa, waxaana ka mid ah, Feeryahan nimo, Karateey, Shiishka ugaarsiga (hadii loo baahdana dagaalka) iyo kalluumeysiga, iyadoo sidoo kale uu jecel yahay farda fuulka, iyo xanaaneynta xoolaha sida ku xusan taariikh nololeedkiisa iyo hab dhaqankiisa dabeecadeed.
Putin ayaa ah Madaxweyne Haatan dunidu reer Galbeedku Go’doomin ku Hayso, waxana uu haatan la tacaalayaa Cuno-qabatayno xagaas kaga Yimi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com