|

Shir Muhiim u ahaa Bulshada Bariga Afrika Oo Si Kedis ah Loo Joojiyey Xili Nairobi Ka Socday

Nairobi:Dec,01,2014(SDN/QJ)-Waxa si kedis u joogsaday Shir Bulshada Rayidka ah ee Bariga Afrika uga socday Magaalada Nairobi, iyadoo  Shirkaasna uu muran hadheeyey.

melMadaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo matalayay madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa galinkii hore ee  Maallinimadii Sabtidii kulankan ka furay magaalada tan Nairobi.

Hase ahaatee madaxweyne Kenyatta oo markii hore la filayay in uu ka qeyb galo furitaanka ayaa la sheegay in uu meel kale  ku weecday.

Ilaa iyo hada ma jirto sabab rasmi ah oo lagu sheegay in shir madaxeedka Buylshada bariga Africa loo kansalay.

Waxaan sidoo kale kala cadeyn in madaxweynaha Tansania Jakaya Kikwete oo aanay xaaladiisa caafimaad wanaagsaneyn uu shirka ka qeyb galayay.

Shanta madaxweyne ee wadamada bariga Africa oo kala ah Kenya-Uhuru Kenyatta, Uganda-Yoweri Museveni, Rwanda Paul Kagame, Burundi- Pierre Nkurunziza iyo Tanzania Jakaya Kikwete ayaa laga doonayay in ay dhamaantood kulanka soo xaadiraan.

madaxwayne kuxigeenka dalka oo hadal ka jeediyay furitaankii shirka ayaa uga digay xubnaha ku jira ururka bulshada bariga Africa ee loo soo gaabiyo EAC in ay iska joojiyaan waxyaabaha aan dan ugu jirin gobolka.

Ruto ayaa ka dhawaajiyay in dallada bulshada bariga Africa ay u baahantahay lacag dhan $100 billion tobanka sano ee soo socota, si loogu hir galiyo mashruucyada horumarineed ee shanta wadan oo uu ka koobanyahay ururka.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed