|

“Qabaa’il is boobaya ayeynu nahay oo aan waxba isku ogolayn oo aan waxba ku heshiis ahayn” Faysal Cali Waraabe.

Hargeysa:Nov,30,2014(SDN/QJ)-Hoggaamiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelk(UCID),Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa rajo-xumo iyo Quus Ba’an ka muujiyey xaalladda ay somaliland Maanta ku sugan tahay, waxana uu si gaar ah farta ugu fiiqay heerka ay qabyaaladda iyo kala-qoqobnaantu maanta la gaadhay shacabka reer Somaliland.

faysal caliGuddoomiye Faysal Cali Waraabe oo shalay la Hadlay saxaafadda, ayaa  si cad u sheegay in qaranimadii somaliland sii kala furfurmayso, isla-markaana aanu dalka ka jirin wax horumar ah, waxana uu intaas ku daray in dib u  dhac badani  dhinacyo badan kasoo food saaray Somaliland.

Guddoomiye Faysal waxa uu ku adkaystay in Qabiil iyo Wax Dunidu beri hore ka tagtay Somaliland dib u curisay, isla-markaana ay taasi hormood ka noqon doonto Dib u dhac waddanka ku yimaadda,

“somaliland maanta hawsha u taalla ma aha oo  kaliya Komishanka, Somaliland Qabiil bay ku burburtay, waxad arkaysaa maanta Komishanka lama ogaan jirin cidda ay dooranayaan, laakiin hadda waxa socota Kaambayn Guddoomiyihii yaa xataa qabiil galay, axsaabtiibaana qabiil gashay, Sharcigii baynu laalnay waxay ku noqonay sidii reer Miyigii Odayaal ina kala saara, Sharcigii baynu jiidhnay, umad aan sharci ku shaqaynina umad ma noqota, waxana aynu noqonay Qabaa’il Xeer aan ku socon ee Xeer Jajab ku socda. Komishankii Baa Maanta laleeyahay  Beeshii  dhexaa u tartamaysa’e Haddii aynu nahay umad aan waxba ka tegayn oo wax kasta qaadanaysa sidee baa la inoola noolaanayaa” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali waraabe waxa uu  sheegay in Hoos u dhaca somaliland ku yiki uu Gaadhay Heer Gobollo  dalka kamid ah aynu maamulkeenii gaadhsiin kari wayno, iyadoo maamullo kale laga dhex samaynayo Gudaha somaliland, waxana uu yidhi,

“inagoo sidaas u soo taagan ayaa maanta dhulkeenii la sheeganayaa oo dawlad Goboleedyo la inaga dhex sameeyey oo aynu maamulkeenii  gaadhsiin kari weynay Degmooyinkii Bariga ee Sool Bari iyo Koonfurta sanaag, Laba ayaan lahaana aynu tashano oo aynu shir qaran iskugu nimaadno oo eegno waxa u baaahan in la hagaajiyo, Haddana waan ku celinayaa”

Waxa uu Guddoomiye Faysal tilmaamay in waajibka Koowaad ee Qaranku dusha ka saaran yahay Madaxweynaha somaliland, isla-markaana looga Baahan yahay inuu Dadkiisa qanciyo oo isu soo jiido,

“Xilka qaranku madaxweynaha ayuu saaran yahay, baarlamaanka iyo Guurtidu waa ku jiraan, Laakiin Fulintu waa Madaxweynaha, isagaana ka kaw ah dakuna talo ayuu u baahan yahay Dawladduna Gogosha Ha Fidiso, Madaxweynahana waxan leeyahay dalkii wuxu ku jiraa Fawdee waa in Fawdadaas Laga Gaadhaa.” Ayuu  yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid waxa uu soo Hadal qaaday Shirar dhawaanahan kusoo badanayey Gudaha somaliland oo ay qabsanayeen Beelaha Dalka deggeni, waxana uu eedda shirarkaas dusha ka saaray Beesha Dhexe oo uu tilmaamay inay hormood ka tahay Qabshada shirar Doceedkaas,

“Galbeedka Dalka Shirbaa ka socda . Xaq bayna u leeyihiin waayo Beelihii dhexe ayaa intaas shiraysay ee Reero u shiraysay oo Jilib jilib u shiraysay, Taleex midbaa ka socay oo khaatumo ayaa lagu sameeyey, Majeerteeniyana Goboladeenii ayey Distoorka ku tarsadeen,waxana aad moodaa inaynu gacmaha laabanay oo aynu arrinteenii ka dhignay Qaad iyo Qabiil.musuqmaasuqii baa la leeyahay ciddii ku batay oo gaaladu qoraysaa, qabiilkii baa  batay oo waynu is nacnay oo waynu is caayeynaa haddii aynu sidan ku gasho doorashana waxan ka baqayaa inay nabadgelyadu ka baxdo meesha, madaxweynahana waxan leeyahay shir qaran baa loo baahayn yahay.” Ayuu yidhi Gudoomiye Faysal, waxana uu intaas ku daray,

“Istaraatiijiyad qaranimo ma socote Waxa socota qofkastow waxad Booobi karto boob. Qabaa’il  is boobaya ayeynu nahay oo aan waxba isku ogolayn oo aan waxba ku heshiis ahayn, Baylahdiina way badatay Beelihii hareeruhuna wayna daawanayaan, Beesha dhexaana Maanta somaliland Khatar ku Haysa Mar Hadii Axsaabtii qabiil Noqotay oo nin maanta la taaban karaa aanu jirin oo nin kastaa qabiil dabada gelinayo.”

Faysal Cali Waraabe waxa uu weeraray Siyaasadda Arrimaha Dibadda, waxana sheegay in dhamaan Xafiisyadii Dibadda oo dhami ay xidhan yihiin, isagoo sababtana ku sheegay siyaasad Xumo iyo istaraatiijiyad la’aan, waxa isagoo arrintaas ka Hadlaya uu yidhi,

“Maanta Xafiis dibadeed oo inoo shaqaynaya ma jiro Ictiraafna waynu doonaynaa maantana Somalia Dawlad Goboleedyaa Laga dhisay Awooddii Dawladda Dhexena wuu yaraaday, waxana iman doonta maalin wada Hadallada aynu la leenahay Somalia la odhan doono la Hadla  Shanta madaxweyne Ee Somalia  oo kasoo dhamaysta arrintiina,”

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed