Akhri Istiraatijiyadda Cusub Ee Ra’isal Wasaare Cabdiweli kaga Hortegayo Fadhiga Baarlamaanku Ka Yeelanayo Mooshinka Ka Dhanka ah
Muqdisho:Nov,30,2014(SDN/QJ)-Sida uu bayaamiyey shirguddoonka Baarlamaanka Somalia, waxa Golaha la horkeeni doonaa Mooshinkii ka dhanka ahaa Xukuumadda Ra’isal wasaare Cabdiweli, waxana tallaabadaas Golaha kasoo socota ay Ra’isal wasaaraha iyo Axsaabtiisu ka yeesheen Istiraatiijiyad cusub oo ay kaga hortegayaan arrinaas.
Xogaha warbaahinta soo gaadhaya ayaa sheegaya in Ra’isal wasaaraha iyo Kooxdii Mudanayaasha ahaa ee mooshinka kasoo horjeeday ay Haatan oggol yihiin, iyagoo sameeyey farsamooyin cusub oo ay kaga badbaadi karaan Codka Salaasada loo qaadayo xukuumadda.
Codsiga Ra’iisul wasaare Abdiweli uu u jeediyay Xildhibaanadii diidanaa Mooshinka ka dhanka ah ayaa xog ay heshay Warbaahinta usheegeen inay xilldhibaanadii ka aqbaleen dalabkiisa inay ogolaadaan cod u qaadista mooshinkaasi laga keenay.
Ilo aad ugu dhaw xafiiska Ra’iisul wasaare Abdiweli ayaa sabab uga dhigay arrintaasi inuu u sameeyey kadib markii uu helay taageero xildhibaano ku filan oo ka badbaadin kara codka kalsooni kala noqoshada.
Magaalada Muqdisho waxaa iminka ku sugan 240 Xildhibaan iyadoo maalmo ka hor RW Abdiweli u soo bandhigay liiska Xildhibaanada taagersan kuwaas oo gaadhayay 119.
R/W Abdiweli Sheekh Ahmed ayaa u baahan codka 102 xildhibaan oo kaliya, haddiiba ay dhab tahay inay magaalada Muqdisho joogaan 240 xildhibaan oo ay soo qaadiraan kulankaasi.
Salaadadda soo socota ayaa la filayaa in baarlamaanka loo qeybiyo mooshinka oo ay soo akhrisan doonaan, kadibna ay maalinta sabtida ee bisha danbe usoo diyaar garoobi doonaan cod u qaadista kalsooni kala noqoshada xukuumadda Abdiweli Shiikh Ahmed ee uu khilaafka kala dhexeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Magaalada Nairobi waxaa ku sugan ila 30 Xildhibaan oo iyagu dhexdhexaad ka noqday muranka jira waxaayna go’aansadeen in ay labada dhinac midna aanay raacin.
Go’aanka Ra’iisul wasaare Abdiweli ayaa ku soo beegmaya xili ay magaalada muqdisho ka socdeen wadahadal lagu xalinayay khilaafka.
Sida hadda muuqata ayaa waxaa la filayaa in khilaafkan uu soo afjari doono mooshinkan oo codka kalsooni kala noqoshada loo qaado maalinta sabtida ee bisha danbe. Waaba haddii Salaadada la qeybiyo mooshinkee.
SDN/QJ