Taliye Fadal Oo Ku Dhawaaqay Inay Gacanta Kusoo Dhigeen Gacan-ku-dhiigle Dhawaan Hargeysa Ku Gawracay Wiil Dhallinyaro ahaa
Hargeysa:Nov,30,2014(SDN/QJ)-Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ku dhawaaqay inay Ciidanku gacanta kusoo dhigeen Gacan-ku-dhiiglihii dhawaan Xaafadda Macalin-haaruun ee Magaalada Hargeysa ku dilay Wiil dhallinyaro ahaa oo u adeegsaday Toorray.
Taliyaha ayaa magaca Gacan-ku-dhiiglahan ku sheegay Muuse Cabdi Cabdulle, waxaanu sheegay in sharciga la horgeyn doono, isla markaana waxa uu ku dooday inay hawl-galo ciidanka boolisku sameeyeen lagu soo qab-qabtay Dhalinyaro rabshad wadeyaal ah oo habeenkii Koox Koox u dagaallama.
Taliyaha oo u warramay Qaar kamid ah warbaahinta ayaa tilmaamay inay Ciidanka Boolisku ku jiraan heegan sare si ay nabadda iyo deggenaanshaha u ilaaliyaan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo ka hadlayay qaabkii ay u soo qabteen gacan ku dhiiglaha dilka geystay ayaa waxa uu yidhi “27 Novermber 2014, abaaro 10:00 subaxnimo ayaa gacan ku dhiigle Muuse Cabdi Cabdule waxa Xaafada Axmed Macalin Haaruun ku dilay Marxuum la odhan jirey Axmed Xuseen Ibraahim, kadib uu baxsaday gacan ku dhiigluhu, Ciidanka booliska Somaliland oo kaashanaya beeshii uu ka soo jeeday gacan ku dhiigluhu hawlgal balaadhan oo ay ciidanka boolisku sameeyeen waxay gacanta ku soo dhigeen maanta oo ay taariikhdu tahay 29 Novermber 2014 gacan ku dhiiglihii Muuse Cabdi Cabdule. Aniga oo taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxaan uga mahad-celinayaa beesha uu ka soo joodo gacan ku dhiigluhu oo si hagar la’aana ula hawlgashay ciidanka booliska, waxaana maanta lagu qabtay aga gaarka Saba-wanaag meel u dhow Ina Hindise iyo Shaarub. Waxaanu ku xidhan yahay mid ka mida Xabsiyada magaalada Hargeysa, waxaana si degdega loo horgeyn doona sharciga Maxkamaddaha iyo Xeer-ilaalinta”.
Taliye Fadal isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Ciidanka Boolisku waxay beryan ku jireen hawlgal balaadhan, cidkasta oo nabadgelyada qaranka iyo bulshada reer Somaliland u geysanaysa dhibaato,.. kuwaas oo ah kooxo dhalinyaro ah oo koox koox u dagaalama, oo dhaqan aan hore loo arag isticmaala, oo inan koox kubadeed ku jira ayaa marka uu ka baxo kooxdii reerkoodii oo aan waxba galabsan la weerarayaa, hawlgalkaa tiro aad u baddan ayaanu ku qabqabanay, wixii falkaasi ku cadaaday sharciga ayaa la horgeeyey. Sidoo kale waxay ciidanka boolisku dagaal adag la galeen mukhaadaraadka, waxaanay xalay oo ugu danbeysay qabteen Baabuur iyo Khamri,”
Dhawaan Magaalada Hargeysa wax aka dhacay dilal kala dambeeyey kuwaas oo dhamaan dadkii Geystay Gacanta lagu soo wada Dhigay, waxana ay haatan ku jiraan Gacanta ciidanka Booliska somaliland.
Somaliland Gudaheeda kama dhaco xukunka ah in qofkii qof dila loo dilo, waxana jeelasha Buux dhaafiyey Boqolaal gacan-ku-dhiigle oo dad aan waxba galabsan laayey, kuwaas marka dambe Bulshada dhexdeeda lagu soo daayo, waxana ay taasi dhiirrigelisay dilka oo haatan aad usoo badanaya.
SDN/QJ