|

Maraykanka oo Lagu eedeeyay inaanu Xeerin Shuruucda Caalamiga ah isla markaana Jidh dil ugu gaysto Maxaabiista

Washington 30.Nov 2014 (SDN/QJ)- Warbixin uu soo saaray guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortaga jidh-dilka ayaa sheegay in dalka Mareykanka uu aad uga gaabiyay la jaan-qaadida xeerka caalamiga ah ee ka dhanka amaba ka hor imanaya Jidh-dilka.

140924121739_torture_libya__512x288_afpWarbixintani waxa ay noqonaysaa tii ugu horreysay ee uu gudiga soo saaro tan iyo sanadkii 2006-dii, waxaanay daboolka ka qaadaysaa in Dawladda Maraykanku ay ku guul-daraysatay sidii ay dambi uga dhigi lahayd Jidh-dilka oo ah fal-dambiyeed aad u khatar badan, isla markaana aan ku habboonayn in lagula kaco Bini’aadamka guud ahaantiiba.

Waxa dawladdda Maraykanka loogu baaqay inay joojiso Xeerka uu sidii uu doono u fasiranayo ee ka yaalla Jidh-dilka, isla markaana meel adag iska taagta wixii la xidhiidha Jidh-dil iyo wixii la mid ah labadaba. Gudiga ayaa dhaleeceeyay qaabka dowladda Mareykanka ay u qarisay xogta ku aaddan hab dhaqanka la’aanta mukhaabaraadkeeda ee CIA oo ay ka mid yihiin in tuhunsanayaal la waayo, iyo in Ciqaab la adeegsado si xog looga helo qof ay tuhmayaan, hab dhaqankaasi oo soo shaac baxay markii uu Mareykanka u talinayay George W Bush.

Warbixinta ayaa sidoo kale ka hadashay arxan-darrada booliska Mareykanka, balse ma aanay soo qaadan dilkii bishii August ka dhacay magaalada Ferguson ee uu askari Caddaan ah ugu geystay wiil madow ah oo aanan hubeysnayn. Hasa ahaatee warbixinta ayaa lagu sheegay in askar boolis ah oo ay tiradooda ka badan tahay 330 askari Maxkamad loo soo taagay dembiyo ay galeen.

Washington SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed