Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Cod aqlabiyad ah Lagu Ansixiyey Maanta
Hargeysa:Nov,29,2014(SDN/QJ)-Waxa ay Golaha Wakiillada Somaliland sii Rasmi ah u ansixiyeen Xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka qaranka oo uu hore madaxweyne Siilaanyo ugu soo gudbiyey.
Fadhiga Maanta ee lagu ansixinayey Komishanka Doorashooyinka qaranka, ayaa shirguddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), waxana ku sugnaa 70-Mudane, waxana Halkaas laga akhriyey Taariikh Nololeedka Xubnaha Cusub ee loo soo xulay Komishanka oo saaka halkaas ku sugnaa dhammaantood.
Xubnahan oo ka kooban Lix nin iyo Hal Gabadh ah, ayaa mid mid loogu codeeyey, waxana dhammaantood ay heleen cod isku mid ahaa oo ahaa 69-kii mudane ee dhammaantood halkaas fadhiyey, iyadoo aanay jirin cid diidday iyo cid ka Aamustay midnaba.
Xubnahan ayaa xilka hayn doona Muddada shanta sano ee soo socoto,waxana la filayaa inay dhawaan la wareegeen shaqadooda oo haatan ay si ku meel-gaadh ah usii hayaan Xubnihii hore ee Komishanka doorashooyinka qaranka oo iyaga haatan xilkoodu dhamaaday.
Shaqooyinka ay xubnahan qaban doonaan, ayaa waxa kamid ah sidii ay u qaban qaabin lahaayeen Doorashooyinka Madaxtinimada, Baarlamaanka iyo Dawladaha Hoose, waxana ay isku dubbaridi doonaan shuruucda iyo qaanuunka lagu geli doono Doorashooyinka soo socda oo la filayo inay dhacaan Sanadka 2015-ka, kuwaas oo iskugu jira Madaxtinimada iyo Baarlamaanka.
Todobada Xubnood ee saaka la ansixiyey ayaa kala ah sidan soo socota:
- Siciid Cali Muuse
- Cabdiraxmaan Aadan Sigad
- Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi
- Cabdifataax Ibraahim Xasan
- Maxamed Xasan Wacays
- Cabdiqaadir Iimaan Warsame
- Maxamed Jaamac Maxamed
SDN/QJ
Timo@qurbejoog.com
Contact@somalidiasporanews.com