Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Somaliland Oo Rasaas Oodda Kaga Qaaday Gaadhi Kusoo Dhawaaday
Hargeysa:Nov,29,2014(SDN/QJ)-Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somaliland, ayaa xalay rasaas xoog ah oodda kaga qaaday Gaadhi Nooca Raaxada ah oo kusoo dhawaaday Albaabka laga galo lagana baxo.
Wararka aanu hayno ayaa sheegaya in arrintani ay dhacday xalay abaaro 2:00 Habeenimo kadib markii uu Gaadhi Nooca Grande ah oo xilligaas wadada marayey uu kusoo dhawaaday dhinaca Madaxtooyad, taas oo keentay in ciidanku Rasaas xooggan ku ridaan.
Gaadhigan oo markii dambe ciidanku qabteen, ayaa waxa saarnaa Laba Wiil oo Dhallinyaro ahaa, kuwaas oo mid kamid ahiĀ baraneyey darawalnimada, isla-markaana aan aqoon fiican u lahayn kaxaynta Gaadiidka, taas oo keentay inuu waddadii uu marayey uga Baxo dhinaca Madaxtooyada, taas oo shaki gelisay ciidanka ilaalada oo rasaas badan ku furay Gaadhiga.
Wiilashii gaadhiga saarnaa rasaastii waxba ma ay yeelin, waxana ay fayo-qab kaga tageen Goobtaas iyagoo argagaxsan oo naxdin la tiicaya.
Ciidanka ilaalada Madaxtooyada somaliland ayaa inta Badan rasaasta kula degdega Gawaadhida ay ka shakiyaan, waxana ay sidan oo kale rasaas ugu dileen dad saarnaa Gawaadhi xilli habeenimo ah kusoo dhawaaday aqalka dalka looga arrimiyo, balse xalay eebe waxba kuma yeelin.
SDN/QJ