Muuse Biixi: Hoggaamiye Aan Iska Sharixi Karin Xisbigiisa?
Waxa muddooyinkii la soo dhaafay soo baxayay dacaayado ay fidinayeen Ganacsadaha Maxamed Aw- Siciid iyo dilaaliintiisu, kuwaasi oo ku wajahnaa inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay ku qanciyaan Wasiirka Maaliyadda C/Casiis Samaalle inuu u daayo murrashaxnimadda madaxweyaha Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo ay taageereyaan.
Dedaalkan Ganacsade Maxamed Aw- Siciid Waxa uu dibada u soo saarayaa in Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi aanu ahayn shakhsi kalsooni isku qaba oo ka dhex tartami Karin xisbigiisa, isagoo caadaystay inuu yidhaahdo Guddoomiyaha yaan la igula tartamin, iyo haddana wada madaxweynihii oo taagan oo intaas oo jeer iclaamiyay inuu sharaxan yahay, ayuu haddana la wareegayaa inuu Cabdi-casiis Samaalle hala iga reebo, arrintaasina waxay hal beeg u tahay in aanu Muuse Biixi u badheedhi Karin inuu iimaansado in xisbigiisa uu kula tartamo xisbiyahanadda KULMIYE.
Waxa is weydiin mudan siyaasiga kartidiisu ku soo af-go’day hebel ha la iga reebo sida haddii ay runi run tagtana uu ugu badheedhi doono inuu tartan la galo xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI Iyo UCID, mise waxa u qorshaysan markaasna inuu Ganacsato iyo dilaaliin siyaasadeed diro inuu yidhaahdo iyaguna ha ii tanaasulaan.
Maxamed Aw-Siciid Iyo mukhalasiintiisu waxay kulan dhawaan la yeesheen salaadiinta beesha Sacad Muuse oo ay u soo jeediyeen inay ka shaqeeyaan sidii Wasiir Samaalle Loogu qancin lahaa inuu murrashaxnimadda madaxtinimadda KULMIYE uga tanaasulo Guddoomiye Muuse Biixi. Waxaanay Maxamed Aw Cismaan Iyo xubnaha fikirkan la dhaqdhaqaajinayay ay salaadiinta u sheegeen in Muuse Biixi uu fursad u haysto inuu noqdo murrashax Madaxweyne, waxaanu ku doodeen inaanu Madaxweyne Axmed Siilaanyo diyaar u ahayn inuu doorashada markii labaad isu soo taago balse uu ku qanacsan yahay in laba sannadood loo kordhiyo.
Salaadiintu waxay Ganacsade Maxamed Aw Siciid u sheegeen inaanay arrintaasi ahayn mid beesha u taalla, isla markaana ay la yaaban yihiin sababta arrintan loo wad-wado iyadoo uu madaxweynuhu toban jeer in ka badan ku cel-celiyay inuu sharaxan yahay. Salaadiintu waxay u sheegeen in arrinta aanay ahayn mid macquul ah oo iyaga u taalla, hase yeeshee haddiiba ay dhacdo ay u taallo xisbiga KULMIYE dhexdiisa.
Ugu dambayn waxaan ka digayaa xarakaadka siyaasiga ah ee Ganacsade Maxamed Aw-Siciid oo xiligan guntiga dhiisha iskaga dhigay inuu furfuro xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisaba,iyadoo aanu jirin wax u igmatay inuu kaalintaas qadhaadh ka ciyaaro xisbiga KULMIYE. Isla markaana uu ku soo aakhiro toosiyo Guddoomiye Muuse Biixi.
Yuusuf Cismaan