Kayd Dhiig oo laga qaaday dad uu ku dhacay Cudurka Ebola oo Koox Budhcad ahi dhacday iyo Cabsi arrintaas ka dhalatay
Guinea 24.Nov 2014 (SDN/QJ)- Saraakiil caafimaad oo ka hawl-gala caasimada dalka Guinea ee Conakry, ayaa sheegay in koox budhcad ahi jidgooyo u gashay isla markaana ay dhaceen baabuur Umbalance ah oo lagu siday dhiigag laga soo qaaday dad qaba xanuunka EBOLA oo loo waday xarun shaybaadh si loogu sameeyo baadhitaan.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in gaadhigan oo lagu siday quraarado ay ku jireen dhiigga dad looga shakiyey xannuunka Ebola oo laga soo qaaday degmada Kankan ee badhtamaha dalka Guinea lagu waday xarun shaybaadh ku taala magaalada Gueckedou ee bariga dalkaas.
Sarkaal u shaqeeya Ururka Bisha Cas ee dalkaas, ayaa sheegay in budhcaddu joojiyeen baabuurka Umbalance ah, dabadeedna ay qaagteen shandado ay ku jireen dhiigag laga qaaday dad qaba xannuunka Ebola, ilaa wakhtiganna lama oga sababta keentay iyo waxa ay ku falayeen dhiigagga laga qaaday dadka xannuunka looga shakiyey.
Saraakiisha caafimaadka ayaa Kooxaha tallaabadan ku kacay ugu baaqay inay iska soo celiyaan isla markaana ka feejignaadaan khatarta dhiiggaasi leeyahay, iyaga oo Idaacadda dalkaas oo ay kala hadleen ugu baaqay inay ka digtoonaadaan isla markaana aanay noloshooda khatar ku galin dhiigga ay qaateen.
Dhaca loo geystay dhiigga shaybaadhka loo waday, ayaa cabsi hor leh ka dhalisay waddankaas, iyada oo laga cabsi qabo inay kooxahani u adeegsadaan dhiiggaa sii fidinta cudurka Ebola ee gudaha waddanka Guinea oo ah dalka labaad ee tirada ugu badan ugu geeriyootay cudurkan marka laga yimaaddo waddanka Liberia oo ah dalka ugu tirada ugu badani kaga geeriyooday.
Xanuunka Ebola, ayaa fara-baas ku haya saddexda waddan Liberia, Sierra Leone iyo Guinea oo ku yaala Galbeedka Qaaradda Afrika, waxaana tirakoobka laga sameeyey saddexdaas waddan xannuunkan ugu geeriyooday in ka badan Shan Kun oo qof. Xannuunkan, ayaa lagu kala qaadaa taabashada dhiig ama dheecaan qof xanuunku hayo.
Guinea SDN/QJ