|

Xukuumadda Oo Xorriyadiisa usoo Celisay Xoghayihii Golaha Wakiillada Oo Muddo Toddobaad ah Xidhnaa

Hargeysa:Nov,23,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo, ayaa dib xorriyadiisii ugu celisay Xoghayihii Guud ee Golaha Wakiillada somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo muddo Toddoba cisho ah u xidhnaa.

xogrXoghayaha ayaa u xidhnaa Murankii ka dhex qarxay  Golaha wakiillada, waxana xabsiga la dhigay kadib markii loo arkay inuu la safan yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Oo Xukuumaddu dagaal xooggan oo dalka khalkhalgeliyey la gashay.

Xoghaye Ayaanle ayaa goor dhaweyd laga sii daaayey xabsiga dhexe ee Hargeysa, waxana la sheegayaa inuu Haatan six or ah aqalkiisa u joogo.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa iyagu dhexdhexaadintii ay ka wadeen labada garab ee Golaha Wakiilada ku muransanaa soo afjaray, waxaana loo badinayaa in Heshiiskaas uun sii dayntiisuna ay qayb ka ahayd.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed