Laamaha Amaanka ee Gobolka Saraar oo Gacanta ku dhigay Harima Cad si Tuugo ah looga saarayay Gobolkaas
Caynaba 23.Nov 2014 (SDN/QJ)- Ciidanka amaanka Gobolka Saraar, ayaa gacanta ku soo dhigay nin si sharci darro ah u soo ugaadhsaday Harimo-cad, isla markaana waxa la sheegay inuu ninkaasi uu watay gaadhi kuwa raaxada ah oo uu ku sitay saddex Harimo cad oo aad u yar-yar.
Isu-duwaha Wasaarada Deeganka Gobolka Saraar oo shalay warbaahinta la hadlay wuxuu yidhi, “Waxa aan u mahad celinayaa Gaashaanle Sare Axmed Daahir oo aad iyo aad uga hawl gala Gobolka Saraar iyo ciidanka Tulba-taariyada oo shalay ku guulaystay inay qabteen dad si tuugo ah u sitay Saddex harima-cad.Runtii duur-Joogtu waxa ay ka mid tahay haybadii dalka, nabaad guurka labaad ee dalka Somaliland ka jiraa waxa uu yahay ugaadhii dalkani uu lahaa oo la xaalufinayo.
Saddexdan Harima-cad waxa sitay nin muwaadin ah oo reer Somaliland ah, Gaadhiga uu watayna waa mid ka cashuuran Somaliland, sida ay ciidamada Boolisku sheegeena ninkani waa nin socod badan oo mar walba isku daya inuu sahamiyo ciidanka iyo tiradooda, waxaanay shalay ciidamadu ay ku guulaysteen inay soo qabtaan ninkan, gaadhigii u watay iyo saddex harimo Cad oo uu sitay,” ayuu yidhi Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga ee Gobolka Saraar.
Gaashaanle Sare Axmed Daahir Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Saraar, oo isna halkaas ka hadlay wuxuu yidhi,“Waxa aad halkaasi ku aragtaan harima-cad, waana saddexdaas yar-yar ee sabiga ah, si tuugo ah ayaa loo sitay, waxaana sitay Nin muwaadin ah oo reer Somaliland ah. Runtii dalkeena sidaas uun baa loo gurtaa, waxaana loo baahan yahay in ugaadha iyo khayraadka dalkeena aad loo ilaaliyo.”